Weerar iyo dil ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Faah faahino dheeraad a ayaa kasoo baxaya rag kooxo ku  hubeysnaa bustoolado oo xalay Wiil dhalinyaro ah ku diley qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Xaafada taleex waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qeybaha sare ee jirka ay ka toogteen kadibna ay baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka wiilkaas,oo ay magaciisa ku sheegeen Aweys Cumar Cabdi,sida ay ku qoreen Bogga ay wararka ku qoraan,iyaga oo sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha walow Xukuumadda Soomaaliya aysan ka hadlin.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa xalay weerar deegaanka Ceelasha biyaha gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen ciidamo tirsan kuwa dowladda,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor