Weerar Bambaano oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Bambaanada Nuuca Gacanta laga tuuro ayaa Caawa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo fariisin ku leh Isgoyska Howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir.

Weerarkaas bambaano ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay wiil yar oo Goobta ku sugnaa,waxana intaasi kadib Ciidamu ay fureen rasaas farabadan walow aysan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay Weerarka Bambaano oo Caawa lagu weeraray fariisinkooda  ku yaala Isgoyska howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.

Isgoyska Howl-Wadaag ayaa waxa dhowr jeer Ciidamada ku sugan lagu weeraray bambada nuuca Gacanta laga tuuro,waxana jira howlgallo ay ciidamadu horay u sameeyeen wallow aysan cidna u soo qaban.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media