Weerar ay Askar ku geeriyoodeen oo ka dhacay degmada Balcad

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar  lagu qaaday Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xili ay marayeen meel aan ka fogeyn Gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa ka dhacay halka lagu Magacaabo Haan-sheekh oo u dhaxeysa degmada Balcad iyo tuulada Gololeey,kadib markii Gaari cabdi Bile ah oo halkaasi marayay lagu dhuftay sida la sheegay Qori Baasuuke ah sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa 4 Askari ayaa la sheegay in ay halkasi ku geeriyoodeen halka dhaawac kalena uu jiro.

Gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa la sheegay in uu ka tegay Magaalada Muqdisho isla,arkana uu ku sii jeeday Magaalada Jowhr ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe balse ay weerarkaan la kulmeen.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo kale oo ka tirsan Meleteriga Soomaaliya oo ka yimid Magaalada Jowhar ay haatan soo agareen Goobtii uu weerarka ka dhacay isla markaana ay Meydkii qaadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media