Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia lagu dilay oo xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho.

Weerarka askarta lagu dilay ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Seybiyano waxaa loo geystay ilaa 4 ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo kusugnaa qeybo kamid ah xaafadaas,isla markaana ilaalo ka hayay Guri uu degan yahay sarkaaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen guriga Sarkaalka kuwaas oo geystay toogashada 4 ka midka aheyd ilaalada Guriga Sarkaalka,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka sameeyay halkii uu falka dilka ah ka dhacay inkastoo lagu soo warramayo inaysan jirin cid ay usoo qabteen dilka askartaasi.

Sarkaalka gurigiisa la weeraray oo Voa-da la hadlay ayaa sheegay in xilliga la weeraray gurigiisa uu ka maqnaa balse ay soo wacday xaaskiisa,intaasi kadibna markii uu guriga tagay uu arkay meydka laba askari iyo laba kale oo dhaawac halis ah qabay markii uu isbitaalka ula cararayna ay geeriyoodeen.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka qorsheysan oo inta badan loo geysanayo Ciidamada dowladda Soomaaliya,waxana dilalkaas masuuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media