Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay dalka Kenya

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa ah mid Wadad loo galay Ciidamada,waxaana ku geeriyooday ilaa Shan Askari oo Ciidamada Kenyatiga ah sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Ka hor weerarka ayaa Saraakiishu waxa ay sheegeen in mid ka mid ah Gawaaridooda uu haleeyay qarax islamarkaana uu ka badbaaday mid ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa dowladda Kenya.

Waxaa lagu eedeeyay in ay qaraxaasi ka dambeeyaan Al-Shabaab oo dhowr mar weeraro ka fulisay Gudaha dalkaas.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xili shalay Saraakiisha dowladda Kenya ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ay soo saareen digniin ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ka geestaan Gudaha Gobolka Waqooyi Bari.

Goobtii uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la geeyay Ciidamo farabadan kuwaas oo baaritaano halkaasi ka wada mararka qaarna wadooyinka xiraya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media