Waxqabadkii Dowladda ee Isbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin: Baarlamaanka oo ansixiyey Xeerka Saxaafada, Baarlamaanka oo ansixiyey ku-talogalka Miisaaniyada 2016ka, Aqoon kororsi loo furay saraakiisha Booliiska, Ciidanka Dowladda oo hub gacanta ku soo dhigay, Baarlamaanka oo ansixiyey Shariciga Ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada, Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay Garoonka diyaaradaha Garowe, Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarumo Wasaaradaha, Dowladda oo heshiis la gashay Garyaqaanno caalami ah si ay uga taakuleeyaan Heshiiska Wax-Soo-saar-Wadaagga, Machadka Horumarinta Tamarta iyo Biyaha oo xariga laga jaray, Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Waaxda Towfiiq ee Yaaqshiid, Maxkamada Ciidanka oo baareysa in ciidan ay ka qeybqaateen dagaal-beeleed ka dhacay Beledweyne iyo Horyaalka Kubadda Koleyga oo ka furmay Muqdisho.

Baarlamaanka oo ansixiyey Xeerka Saxaafada

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28kii December 2015 meel mariyay hindise sharciyeedka saxaafadda Qaranka, kadib kulan ay isugu yimaadeen xarunta golaha shacabka. Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 142 mudane, waxaana kulanka diiradda lagu saaray meel marinta hindise sharciyeedka saxaafadda Qaranka. Intaas kadib mudanayaasha ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay sharciga saxaafadda Qaranka, iyadoo 139 mudane ay ogolaadeen halka ay ka aamuseen saddex mudane, mana jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiir dowlaha Warfaafinta Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay u meel mariyeen sharciga saxaafadda.

Baarlamaanka oo ansixiyey ku-talogalka Miisaaniyada 2016ka

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa 31kii December 2015 meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka. Miisaaniyadda dowladda la ansixiyay oo ah 246 Milyan oo Dolarka Maraykan-ka ah ayaa waxaa qeyb ka ah qarashyada lagu bixinayo mushaaradka ka maqan shaqalaha dowladda iyo ciidaamada qalabka sida ee sanadka 2015-ka, waxaana sanadkaan hal ku dhig looga dhigay miisaniyadda Qaranka “ku tiirsananta dhaqaalaheena.” Wasiirka Maaliyadda oo hadal ka jeediyey kulanka Baarlamaanka ayaa xusay in anxisanta miisaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka Baarlamaanka shir-guddoominayey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka lagu meelmariyey Miisaaniyada sanadka 2016ka. Samaynta miisaniyadda Dowladda Federaalka ayaa sahlaysa habka isla xisaabtanka hufan ee hay’addaha kale duwan ee dowladda, taas oo horseedaysa in Somalia ka mid noqoto dalalka ku horumaray hagaajinta maamul wanaagga.

Aqoon kororsi loo furay saraakiisha Booliiska

Xildhibaanno, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale ayaa 31kii December 2015 ka qeyb galay aqoon kororsi loo furayay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababbarka ciidanka booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa salaam sharaf ay ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka booliska. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in taliska ay ka go’antahay sare u qaadidda aqoonta ciidanka booliska, isagoo kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan oo waqtiga ilaaliyaan. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay inay muhiimtahay in sare loo qaado aqoonta ciidanka, maadaama boolisku uu yahay saaxiibka koowaad ee shacabka. Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo lagu kobcinayo aqoonta ciidanka.

Ciidanka Dowladda oo hub gacanta ku soo dhigay

Ciidanka Dowladda ayaa gacanta ku soo dhigay 30kii December 2015 hub isugu jira gantaalada Lidka Diyaaradaha iyo kuwa garabka laga gano kuwaas oo masjid lagu kaydsaday. Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hawlgalka kadib halkaasi kormeer ku tagay ayna sheegeen in hawlgalku sii socon doono maadaama kooxaha dhagar qabayaasha ay suurtagal tahay in meela kale ay ku aasaan hub lagu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed. C/risaaq Cumar Maxamed wasiirka Aminga ayaa ku amaaanay Ciidanka Booliska dadaalkooda geesinimada leh maadaama ay ka hor tageen hubkaan oo dhibaato loogu gaysan lahaa Umadda Soomaaliyeed. Maleeshiyaadka Al shabaab oo la rumaysan yahay in hubbkan ay ugu talagaleen in weeraro ay kaga gaystaan magaalada Muqdisho ayaa hadda u muuqda kuwa ku hungoobay damacooda, waxaase laga yaabay in xitaa goobaha cibaadada aysan alle uga baqayn maaddaama ay hubka ku uruursadaan, iyagoo horayna dadka Masaajidda ugu dili jiray.

Baarlamaanka oo ansixiyey Shariciga Ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagaxisada

26kii December 2015 ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argigixisada. Hindise Sharciyeedkan oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka doodayeen mudanayaasha Baarlamaanka, kaasi oo ay soo diyaariyeen guddiga maaliyada ee Baarlamaanka ayaa waxa ay Xildhibaannadu ku meel mariyeen cod gacan taag ah. Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay natiijada codeyta, isago sheegay in 136 mudane ay ogolaatay, sideeed mudane ay ka aamustay, 11 kalena ay diideen, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid ansax ah.

Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay Garoonka diyaaradaha Garowe

26kii December 2015 ayuu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kaas oo dib u habeyn lagu sameyn doono si uu u noqdo garoon caalami ah. Munaasibadda dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Madaxweyne ku-xigeenkii hore General Cabdi-semed Cali Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiinnta iyo Shaqaalaha Shirkadda Turkiga ah ee dhisaysa Madaarka, ganacsato, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale oo aad u tira badan. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka sheekeeyey marxaladihii uu soo maray helitaanka mashruucan lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee Garoowe, isagoo uga mahadceliyey Dawladda aan walaalaha nahay ee Kuwait mashaariicda horumarineed ee ay ka fulisey deegaannada maamulka Puntland kuwaas oo ay ka-mid yihiin Garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir.

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarumo Wasaaradaha

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 30kii December 2016 dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Puntland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagaxdhigay xarumo kale ee wasaaradaha Puntland.

Dowladda oo heshiis la gashay Garyaqaanno caalami ah si ay uga taakuleeyaan Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah in ay ka taakuleyso diyaarinta habka Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa howlgalisey lataliye’yaal sharci-yaqaanno caalami ah, si ay uga caawiyaan howlaha la xiriira diyaarinta habka Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga (Production Sharing Agreement, PSA). Ayadoo loo raacayo habka tartanka qandaraasyada furan, oo ay gacan ka geeysatay hay’adda African Legal Support Facility (ALSF), ayaa tartanka Mashruuca Wax soo saar Wadaagga ee loogu magac daray (PSA Somalia Toolkit Project) waxaa ku guuleystaqy IMMMA Advocates, oo xubin ka ah DLA Piper Africa Group. Hay’adda African Legal Support Facility (ASLF), oo ah xubin ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika howsheeduna tahay inay ka taakuleeyso dalalka Afrika gorgortanka heshiisyada ganacsiga ee la xiriira wax-soosaarka kheyraadka dabiiciga ah, ayaa waxay gacan ka siinaysaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta diyaarinta Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga. Xilligii lagu guda jiray tartanka xulashada, shan shirkadood ayaa lagu soo koobay liiska xulashada, kuwaas oo laga dalbaday in ay soo gudbiyaan codsiyadooda.

Machadka Horumarinta Tamarta iyo Biyaha oo xariga laga jaray

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 27ka December 2015 xarigga ka jaray machadka horumarinta tamarta iyo biyaha kaasoo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho. Munaasabaddii furitaanka Machadka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/rxmaan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha Machadka ay hirgelisay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, isagoo tilmaamay in Machada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay ummadda Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dhamaan gobollada dalka. R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo xarigga ka jaray Machadkaasi ayaa hirgelintiisa ku amaanay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu machadkani u leeyahay horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Waaxda Towfiiq ee Yaaqshiid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa 29kii December 2015 xariga ka jaray Waaxda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka ayaa u mahadceliyey Hey’addii ka caawisay Dhismaha Waaxda iyo shacabkii qaatay kaalintooda. Guddoomiyaha Gobolka Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay dhistaan dalkooda isla markaana shacabka looga baahanyahay taageero iyo inay kaalin mug leh ka qaataan dhismaha dalka. Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cusmaan Cadaawe ayaa sheegay In ay Waaxdan tahay waax u qalanta in ay Degmadu ku shaqeyso.

Maxkamada Ciidanka oo baareysa in ciidan ay ka qeybqaateen dagaal-beeleed ka dhacay Beledweyne

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka XDS ayaa 26kii December 2015 gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. G/le Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa sheegay in ujeedada ay u tageen Beledweyne ay tahay baaritaan ay ku sameeynayaan waxa ka jira wararka sheegaya in askar ka tirsan ciidanka qalabka sida ay ku lug lahaayeen dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Beledweyne. Gudoomiyaha ayaa xusay in ay safarkiisa ku wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka XDS iyo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, isagoo tilmaamay iney halkaasi ka bilaabayaan baaritaan buuxa oo la xiriira haddii ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan ciidamada oo ka qeyb qaatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Beledweyne.

Horyaalka Kubadda Koleyga oo ka furmay Muqdisho

26kii December 2015 waxaa magaalda Muqdishio gaar ahaan garoonka Wiish ka furmay horyaalka kubadda kolega 2015-16, waxaana xaflada furitaanka ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombiakada, qaar ka mid ah xirirada, madaxda xiririka kubada kolegya iyo marti sharaf kale. Ku simaha Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa tilmamay in ay horyaalka sanadkan ay ka qayb galayaan 10 koox, halkii ay horey u ahaan jireen sideed koox, isla markaana ay kooxuhu ay u soo diyaar garoobeen tartanka, ayna ka rajeynayaan in cayaaro wanaagsan ay soo bandhigaan. Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Caddaani ayaa sheegay in sanadkan garsoorayaalka ay aqoontoodu sareyso, sheegeyna in xiriirka horyaalkan ka xulan doono cayaartoydii matali lahayd xulka qaranka. Kulankii furitaanka horyaalka oo lagu daah furay kooxda Heegan oo horyaalka difacaysa iyo Gaadiidka oo sanadkan ku cusub horyaalka waxayna 66-27 guusha ku raacday Wiilasha Heegan.

WQB 2 WQB 3 WQB1 WQB4 WQB6 WQB5

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor