Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay 27 June 2015

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baarlamaanka Gobollada Dhexe oo si rasmi ah u howlgalay, Wasaaradda Warfaafinta oo xarun cusub u dhiseysa SONNA, Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo xariga laga jaray, Dhismaha Xarumaha Danta Guud ee Beledweyne oo si fiican u socda, Saldhiga Bari ee Booliska Baydhabo oo dib loo howlgeliyey, Saraakiil cusub oo Booliska ah oo tababar u aaday Ugandha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo raashin deeq ah u qeybisay dad fara badan, Bisha Case ee Imaaraadka oo Raashin u qeybisey dad fara badan iyo Hormud Foundation oo Raashin iyo lacag u qeybisay dad u baahan.

Baarlamaanka Gobollada Dhexe oo si rasmi ah u howlgalay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa magaalada Cadaado uga qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Cadaado waxaa kale oo kasoo qeybgalay wasiiro, Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyada soo xulay Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha maamulka, guddiga farsamada iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay inay xilkii ay soo hayeen ay ku wareejinayaan baarlamaanka cusub. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Odawaa ayaa u mahadceliyey maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo heshiiskii ay Muqdisho ku saxiixdeen lagu dhisay maamulkan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka GalMudug waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay farxad weyn u tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay istiraatiijiyad lagu dhisayo dowlad goboleedyada dalka. Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah loo dhaariyey intooda badan.

Wasaaradda Warfaafinta oo xarun cusub u dhiseysa SONNA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa 23kii Juun kormeeray mashruuca lagu dhisayo xarunta SONNA oo ay Wasaaradda Warfaafintu yeelaneyso, iyada oo ujeedadeedu tahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen warar xaqiiqa ah oo la soo hubiyey isla markaasna ka tarjumeysa horumarka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda SONNA oo ahaan jirtey goobta wararka rasmiga ah ee Soomaaliya laga soo xigto, lagana soo qaato ayaa dib loo howlgeliyey iyadoo caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ba ay ka faa’iideysan doonaan howsha SONNA. Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa heli doona fursad ay xarunta SONNA wararka ugu yimaadaan, kana soo xigtaan, isla markaasna ay ka heli doonaan macluumaadka muhiimka ah. Dhismahaan cusub ee laga hirgalinayo xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka koobnaan doona labo dabaq oo leh in ka badan 20 xafiis ayaa qeyb ka ah barmaamijka dalkaaga dhiso ee ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Dhismaha oo isku jira qaar u baahan dayactir iyo qeyb bilow ah ayaa la qorshaynayaa in lagu dhamaystiro mudo 6 bilod ah. Wasiirka Warfaaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ayaa kormeer ay ugu kuur galiyeen sida uu u socdo dhismaha qeybta cusub ee wasaaradda ku sameeyey. Xaruntan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada ee daneeya warbaahinta dalka.

Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 20kii June 2015 si rasmi ah xaraga uga jaray xarunta Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo dayactir lagu sameeyey. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya, Ku-simaha Ra’isul wasaaraha, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Maamulka gobalka Banaadir, kooxaha Bambeyda Booliska, qeybaha kala duwan ee Bulshada, Fanaanin, diblomaasiyiin iyo marti Sharaf kale. Goobta ay munaasadda ka socotay waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysa ahmiyada ay Ummadda Soomaaliyed u leedahay in dib loo howlgeliyo xaruntii hore ee Dowladda Hoose ee Xamar (Officio Governo). Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u mahad celiyay dadkii iyo shirkadahii ka qeyb qaatay dhismaha Xarunta Dowladda Hoose oo lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso. Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haddii ay isku tashadaan in ay dhisan karaan Waddooyinka iyo Goobaha adeegyada bulshada ee ku burburay dagaallada sokeeye, isagoo ammaan u jeediyay Maamulka Gobolka. Ku-simaha Ra’isul wasaaraha ahna Wasiirka cadaalada ee Xukuumadda Fedraalka Soomaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa tilmaamay in dadka Soomaliyed looga baahan yahay in ay isku tashtaan oo ay ka maarmaan gacan shisheeye si loo horumariyo dis u dhiska iyo bilicda dalka. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa bogaadiyay Maamulka gobalka Banaadir inay sii dar dar galiyaan dib-u-dhiska iyo bilicda magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabada munaasada hadlay ayaa sheegay in xarunta lagu dhisay fikir Soomaaliyeed, ayna muujineyso in Soomaalida ay wax qabsan karaan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan oo ay u midooban sidii loo xoojin lahaa mashuuruca Dalkaaga dhiso oo haatan lagu dhisay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo muddo ka badan 25 sano bur bursanaa. Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u kacaan ka shaqeynta nabadda iyo dib u dhiska dalka, si loo gaaro horumar. Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay ganacsatadii iyo qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qeyb qadatay dhismaha aqalka dowladda Hoos ee Muqdisho.

Dhismaha Xarumaha Danta Guud ee Beledweyne oo si fiican u socda

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa howlo kormeer ah ku tegay 24kii June 2015 goobaha ay ka socdaan Dhismaha Xarumaha Danta Guud ee magaalada Beledweyne, iyadoo uu socdaalkaasi ku wehliyay Duqa magalada Beledweyne. Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday waxa ay warbixinno ka dhageysteen howlwadeenada xarumahaasi ku howlan iyo halka ay u marayaan howlaha dhismaha, maadaama ay yihiin mashaariic ku aadan dib u howlgelinta xarumihii danta guud ee ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay.

Saldhiga Bari ee Booliska Baydhabo oo dib loo howlgeliyey

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan Boliiska ayaa 23kii June 2015 gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana wefdiga taliyaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka Boliiska ee gobolka Baay. Taliyaha ayaa waxaa uu kormeerey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Boliiska ee magaakada Baydhabo sida saldhiga Boliiska ee degmada iyo kan gobolka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Boliiska AMISOM ee halkaasi jooga. Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa waxaa goobaha uu kormeerey waxaa kamid ah saldhiga Bari kaas oo dhowaan dib u dayactir ku sameysay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu kulan la yeeshay saraakiisha Boliiska ee gobolka Baay iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya. Waa markii ugu horeysay taliyaha Boliiska Soomaaliya uu booqasho key tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay tan iyo markii loo magacaabay xilkan, waxaana arintan ay qeyb ka tahay dardargelinta howlaha lagu horumarinaayo guud ahaan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Saraakiil cusub oo Booliska ah oo tababar u aaday Ugandha

21kii June 2015 ayaa waxaa dalka Ugandha u ambabaxay arday ka baxday dugsiyada sare oo loo qaatay inay ka mid noqdaan ciidanka Booliska Soomaaliyee. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waayihii ugu dambeeyay waday hirgelinta siyaasada la xiriirta horumarinta iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Ciidankan cusub ayaa lagu hanweyn yahay inay noqon doonaan hoggaanka Booliska ee mustaqbalka dhow. Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, Safiirka dowladda Uganda u fadhiya Somalia Maj. Gen. Nathan Mugisha, iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sii sagootiyey ciidankan cusub ee Booliska oo tiradoodu ay tahay 50 arday ay yihiin kuwo dalka Uganda ku soo qaadan doono tababar laba sano ah. Taliyaha Hogaanka qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Garaad Nuur Cabdulle oo sagootiyay ardaydaas ayaa sheegay in ciidankan cusub ay wax weyn ka bedeli doonaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Safiirada Sayid Axmed Shiikh Daahir iyo Maj. Gen. Nathan oo si wada jir ah ardayda ula hadlay ayaa talooyin dar daaran u jeediyay oo ku aadan waxbarashada dalka Uganda ay u aadayaan iyagoo u ballan qaaday inta tababarka ay ku jiraan ay garabkooda taagnaan doonaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo raashin deeq ah u qeybisay dad fara badan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka ayaa 24kii June 2015 deeq raashin ah u qeybisey dad fara badan oo ah barakacayaasha iyo dadka danta yar ee degmooyinka Xamar Jab-jab, Kaaraan, Shibis, Heliwaa, Yaaqshiid iyo Waaberi iyadoo deeqdan ay ka timid Boqortooyada Cumaan. Deeqdan waxey ka koonbneyd bur, Bariis, Sonkor, Saliid, Baasto iyo Timir, waxaana ka faa’iideystay dadweyne aad u fara badan oo isigu jira waayeel iyo dad sabool ah.

Bisha Case ee Imaaraadka oo Raashin u qeybisey dad fara badan

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaradka Carabta ayaa 23kii June 2015 waxay raashin afurin ah ka bilowday qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Hodan, Cabdulcasiis, Warta Nabadda, Wadajir, Shangaani iyo Dharkeynleey taasi oo ay ka faa’iidaysanayaan 5-kun oo Qof. Cali-Daacad Cabdul Aadam oo wakiil ka ah deeqdan afurinta ee Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in deeqdan ay isagu jirtey raashin bisil oo loogu talo galay Afurka, Cashada iyo Saxuurta. Dhaahiro Cabdi Saalim oo ah Hooyo ka mida dadka danyarta ee ku dhaqan degmada Warta Nabadda ayaa si weyn uga mahad celisay deeqdan raashinka bisil ee ay soo gaarsiiyeen haya’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta.

Hormud Foundation oo Raashin iyo lacag u qeybisay dad u baahan

Hormud Foundation ayaa 24kii June 2015 gaarsiisay deeqo raashin iyo lacag isugu jira oo inta lagu jiro bisha Ramadaan ay Shirkada HORMUUD ugu talo gashay in ay ku caawiso dadka bukaanada ah, kuwa naafada ah iyo dadka danyarta ah qaarkood oo la gaarsiiyay bukaanada ku jira isbitaalada waa weyn ee caasimada. Mas’uuliyiinta Hay’ada Hormuud Foundation ayaa ka hor inta aysan gaarsiin isbitaalada deeqda waxaa ay kulan la qaateen agaasimayaasha shan isbitaal oo kala ah Madiina, Banaadir, Dayniile, Keydsaney iyo Laansareeti iyadoo ay kala hadleen qaabkii loo gaarsiin lahaa bukaanada deeqda loogu tala galay. Maamulaha Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in ay ugu talo galeen bukaanada jiifa isbitaaladaas shanta ah min 100 Dolar sidoo kalena shaqaalaha ay iyana lacag aan badneyn ay ugu talo galeen. Marka laga reebo isbitaalka Banaadir isbitaalada kale waxaa bukaanka iyo shaqaalaha ay mas’uuliyiinta Hormuud Foundation gacantooda ku siinayeen lacag boqol dolar ah qof kasta oo bukaan ah hase yeeshee isbitaalka Banaadir isaga lacagtiisa waxaa loogu iibiyay raashin iyo shidaal.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Weekly7

Weekly12

Weekly12

Weekly13

Weekly

Weekly1

Weekly2

Weekly5

Weekly6

Weekly9

1px

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor