Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirka Wadatashiga Madasha Madaxda Soomaalida oo Garowe ku qabsoomay, Ciidanka oo dardargelinaya barnaamijka Xasilinta Dalka, Dib u heshiisiin la dhex dhigay beelaha Gobolka Bakool, Terminal-ka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo horumar baaxad leh ku tallaabsaday, Kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka oo furmay, Xarunta Taliska Ciidanka Cirka oo la dhagaxdhigay, Shaqaale loo tababarayo Hab-maamuuska iyo Diblomaasiyadda, Soomaaliya oo yeelaneysa Hay’adihii Sahminta, cabirka iyo diiwaangelinta Dhulka, iyo Xukunno dil iyo xariga ah oo lagu riday kooxda UGUS.

Shirka Wadatashiga Madasha Madaxda Soomaalida oo Garowe ku qabsoomay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 30kii April 2015 si rasmi ah u furay Shirka Wadatashiga Madaxda Soomaalida oo Garowe ku qabsoomay. Shirkaas ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin dhameystirka dib u eegista Dastuurka iyo dhaqangelinta nidaamka Federaalka, dhismaha iyo isku dhafka Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, dardargelinta dagaalka ka dhan ka ah Ururka Gumaadka ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta degaamadda yar ee gacantooda ku harsan, Sahaminta, soo saarista iyo qaybsiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, hiigsiga 2016 iyo sidii dimoqraadiyeynta loo hirgelin lahaa si dalka ay doorashooyin uga dhacaan September 2016, dagaaladda Yemen saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karaan iyo qaabilaadda qaxootiga iwm. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo marti geliyey shirkan wadatashiga ayaa Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaan Axmed (Madoobe) iyo Madaxweynaha Koofur-Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan. Sidoo kale waxaa shirka wadatashiga ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka Wadatashiga Madaxda Soomaalida ayaa waxaa la rajaynaynaa inuu noqdo mid taariikhda Soomaaliya wax ka beddela, dhibaatada jirtana xal u raadiya, Soomaalina gaarsiiya midnimo iyo wada-socod iyo walaalnimo iyo dawladnimo. Shirkan wadatashiga ayaa ah mid si Soomaalinimo ah loo wada hadlayo oo dhammaan arrimaha jira loo raadinayo xal Sooomaali hoggaamineyso, Soomaalinimo ku dheehan, si shacabka Soomaaliyeed ay u gasho kalsooni buuxda.

Ciidanka oo dardargelinaya barnaamijka Xasilinta Dalka

Ciidammada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa 29kii April 2015 howlgallo Nabadgelyada lagu xaqiijinayo ka sameeyeeyay Duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka ceelasha biyaha, halkaas oo lagu tuhunsanyahay in ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Howlgalkaasi oo billowday habeenkii 28kii April 2015, kaas oo lagu soo qab qabtay dad badan oo baaritaano ka dib waxaa dadkaasi laga soo reebay qaar laga shakiyay oo ahaa afar ruux oo ay baaritaano ku socdaan. Dhanka kale Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal midkan la mid ah waxa ay ka sameeyeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu baadi goobayo kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada kuhaya Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka. Barnaamijka Xasilinta Dalka ayaa si habsami leh u socda iyadoo ay ujeedadu tahay sidii kooxaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya shacabka la isaga qaban lahaa si loo joojiyo falalka argagaxisada ay ka fulinayaan dalka. Ciidamada ayaa si aad ah uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka qaatay barnaamijka Xasilinta Dalka.

Dib u heshiisiin la dhex dhigay beelaha Gobolka Bakool

Dowladda Federaalka oo in muddo ahba waday dadaalada dib u heshiisiinta bulshada dhexdeeda ayaa 28kii April 2015 Wakiilo ka socda Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee maamulka Koofur-Galbeed iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah ayaa gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Baay si ay uga qeyb qaataan heshiisiinta beelo dhawaan ku dagaallamay gobolka Bakool. Wakillada ayaan la kulmay maamulka degmada Xudur si ay isaga kaashadaan xallinta khilaafka u dhaxeeya beelaha. Sidoo kale odayasha degaanka iyo dadka metela beelaha ay dirirtu u dhaxeyso ayey la kulmeen wafdigani oo ay bilaabeen wada hadal u dhaxeeya beelaha si xal waara looga gaaro arrimaha la isku hayo. Dowladda Federaalka ayaa siyaasadeedu tahay in bulshada la dhex dhigo dib u heshiisiin si ay u sahlanaato in la helo siyaasad xasilan oo degen oo u horseedi karta bulshada inay ka qeybqaataan barnaamijyada dimoqraadiyeynta oo ay horseed ka tahay Dowladda Federaalka si loo gaaro doorashooyin xor ah oo dadka deegaanka ay si xor ah u doortaan Madaxdooda.

Terminal-ka cusub ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo horumar baaxad leh ku tallaabsaday

Shirkadda FAVORI oo gacanta ku heysa maamulka Terminalka cusub ee dhowaan laga hirgeliyey garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan (Adan Cadde) ayaa 27kii April 2015 tilmaamay in terminalka cusub ee garoonka uu u sameysanyahay si la mid ah kuwa caalamka, isla markaana uu hool-waliba leeyahay masjid ay dadka ku tukadaan, goobo lagu baarayo alaabaha ay wataan iyo saashado ay kala socon karaan xilliyada uu duulimaadkooda baxayo ama imaanayo. Shirkadda Favori ayaa sheegtay tan iyo intii ay bilaabeen howlaha Terminal-ka sannadkii 2014 ay tirada guud ee duulimadka sannadkaas oo kaliya uu noqday 18,498, kuwaas oo dhamaan ah dulimaad caalami ah oo bixitaan iyo imaanshaba isuga jira, hadda waxaa dhamaanaya bishii afaraad ee sannadka waxaana duulimaadka uu marayaa 5,528, sannadkii 2013 tirada guud ee rakaabka diyaarada heer calami iyo heer gudaha ahba waa 119,954 halka 2014 ay tiradaas noqotay 439,879, tan oo ku tuseysa in horumar ballaaran laga sameeyey oo rakaabka diyaaradaha ay aad u kordheen. Sidoo kale roobabkii dhowaan da’ay oo saameyn ku yeeshay garoonka diyaaradaha ayaa lagu guuleystay in dib u habeyn lagu sameeyo meelihii uu roobka ku soo qulqulayey. Terminalka cusub ee garoonka Aadan Cadde oo dhismahiisu ay si rasmi ah u bilaabatay 1-dii April ee sanadkii tegay, laguna soo gabo gabeeyay dhismahihiisa wax ka yar sanad ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa ay aad ugu riyaaqeen qaab dhismeedka garoonka.

Kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka oo furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 27kii April 2015 si rasmi ah u furey kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka Barlamaanka goob joog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Waxaana shirka Baarlamaanka shir-gudoominayey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”. Afhayeenka Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa Xildhibaanada golaha shacabka u sheegay in xilligan Baarlamaanka ay shaqo adag hortaalo isla markaana waqtiga u harsan uu aad u yaryahay loona baahan yahay in loo diyaar garoobo howshaasi waxaana uu u deceeyey Xildhibaannada, howlwadeennada, geesiyaasha Ciidammada Qalabka sida iyo shacabkii ku geeriyooday shirqoolladii ugu dambeeyey ee cadawga. Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu aad uga hadlay xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney ka wada qeybgalaan gurmadka dib loogu soo celinayo walaalahooda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan, waxaana uu uga mahad celiyey maamullada Puntland, Somaliland iyo Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti sida dadka soo laabtay ay u soo dhaweeyeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 6 aad ee golaha shacabka ayaa ka hadlay arimo badan oo ay kamid tahay la dagaalanka kooxda UGUS, arimaha qaxootiga dalalka Kenya iyo Yeman oo Soomaali badan ay ku dhibaateysan yihiin. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in federaalka ay ku heshiiyeen Soomaalida tanoo maamulka baahineysa. Madaxweynaha dalka ayaa Baarlamaanka ka codsaday in ay xooga saaraan shuruucda quseysa federaalka si maamulada KMG ah oo hadda dhisan iyo kuwa kale oo soo socoda ay u noqodaan kuwo buuxiya dhamaan sharciyada u degsan dalka. Ugu dameyntii Maaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhalinyarada ay khaldeen kooxda UGUS in ay dadkooda dib ugu soo laabtaan isla markaana dowlada Soomaaliya ay soo dhaweyn doonto.

Xarunta Taliska Ciidanka Cirka oo la dhagaxdhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo in muddo ahba dadaal ugu jirtay dhisidda hay’adaha Dowliga ah si bulshada loogu adeego ayaa 27kii April 2015 Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Biloote) waxaa uu dhagax dhigay xafiisyadii uu ku shaqeyn lahaa Taliska Ciidankaasi oo aan helin xarumo xafiis ah 24 kii sano ee la soo dhaafay. Xafiiskan la dhagax dhigay waxaa uu ku dhex yaalaa Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisiyooni ee degmada Waabari. Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhismaha xafiiskaan oo aas aas u ah dib u dhiska Ciidanka Cirka ay gacan ka siineyso taliska mid ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badana loo bilaabi doono.

Shaqaale loo tababarayo Habmaamuuska iyo Diblomaasiyadda.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Cali Maxamed “ Kadiye” ayaa 26kii April 2015 sagootiyay 9 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda oo loo tababarayo habmaamuuska iyo diblomaasiyadda. Tababarka oo ay ku deeqday dowladda Kenya, kana socon doona muddo 10 cisho ah Magaalada Mombasa ayaa la filayaa in da’yarta diblomaasiyiinta ka tirsan Wasaaradda ay ka faa’ideysan doonaan casharada iyo tilmaamaha la siin doono. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya deeqda tababarkaasi, isagoo rajeeyay in tababaro kale oo diblomaasiyadeed ay Wasaaradiisa ka heli doonto dowlado iyo Ururo caalami ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku howlan dardar-gelinta habsami u socodka shaqada diblomaasiyadeed, tayeynta iyo sare u qaadida heerka aqoon ee diblomaasiyiinteeda, taasoo horumarin doonta waxqabadka Wasaaradda.

Soomaaliya oo yeelaneysa Hay’adihii Sahminta, cabirka iyo diiwaangelinta Dhulka.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo oo 4 cisho ku joogay dalka Turkiga ayaa 25kii April 2015 ku soo laabtay Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta oo ka warbixiyay shirkii caalamiga ahaa ee Sahminta, Cabirka iyo Diiwaan gelinta Dhulka ee Caalamka oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga intii u dhexeysay 20kii ilaa 24kii bishan Abril ayaa waxa uu sheegay in uu saxiixay baaq caalami ah oo markii ugu horeysay Soomaaliya ay qeyb uga noqoneyso nidaamka caalamiga ah ee sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay gudbisay xaaladda dhulka Soomaaliya sida uu hadda yahay burburkii kadib isaga oo xusay in uu dalku lahaan jiray shuruuc iyo xeerar ku saabsan cabbirka iyo milkiyadda iyo diiwaan gelinta dhulka. Wasiirka ayaa tilmaamay in burburkii soo maray dalka uu sababay in xaruumihii lagu keydin jiray warqadaha dhulalka ay bur-bureen, taasina ay sababtay isqabqabsi ballaaran oo dhulka ku aadan. Wasiirka ayaa cadeeyay in Xukuumadda uu wakiilka uga yahay dhulalka iyo howlaha guud ay dhawaan dib u soo celin doonto hay’adihii sahminta, cabirka iyo diiwaangelinta iyada oo la raacayo xeerarkii ay Soomaaliya lahaan jirtay ee Umuurahaasi ku saabsanaa islamarkaana la waafajinayo xaaladda haatan ka jirta Soomalaiya.

Xukunno dil iyo xariga ah oo lagu riday kooxda UGUS

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 25kii April 2015 xukunno dil iyo xarig ah ku riday maleeshiyaad ka tirsan Kooxda UGUS, kaddib markii ay dacwadooda dhageysatay. Maxkamadda oo u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo haystay afar eedeysane oo xeer ilaalintu ku eedeysay inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee magaalada ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiqani Bashiir Axmed, Axmednuur Maxamed, Maxamed Bootaan Shidane iyo Yuusuf Maxamed Fiidow. Cabdiqani Bashiir Axmed iyo Axmednuur Maxamed waxa ay xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeeysay inay ka tirsanaayeen kooxda UGUS, isla markaana ay dil bareer ah u geysteen marxuum Guuleed Maalin Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah. Maxamed Bootaan Shidane waxa ay maxkamadda ku xakuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, waxayna dowladda la wareegtay 3-qori AK47 iyo hal qori oo RPG ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay. Yuusuf Maxamed Fiidow ayaa waxa ay amartay in lagu sameeyo dhaqan celin, maadaama ay ku cadaatay in uu xubin ka ahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Garoowe3

Shirka Madasha1

Weekly

Weekly1

Weekly2

Weekly3

Weekly4

Weekly11

Shirka Madasha

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor