Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 28 November 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo dalacsiiyey Ciidanka Miino-Baarista ee Booliska, Shirweyne Qaran ee lagu horumarinayo Warbaahinta Dalka oo Muqdisho lagu qabtay, Baarlamaanka oo ansixiyey Sharciga Maalgeshiga Shisheeye, Wadatashi Heer Qaran ah ee sharicga Xisbiyada oo la hirgeliyey, Istuudiyo casri ah oo qalabeysan oo laga hirgelieyey xarunta SNTV, Xaruntii Wakaaladda Hindisaha oo la dhagax-dhigay, Dayactir waddooyin laga hirgelinayo degmooyinka Heliwaa & Kaxda, Isku-dhafka Ciidanka XDS oo meel fiican mareysa, Ergooyin ka badan 750 oo ka soo jeedda Somaliland oo wadatashi ka sameeyey nooca doorasho ee 2016ka iyo Gudiga Fataahadaha iyo Elnino oo si xoog leh u howlgalay.

Madaxweynaha oo dalacsiiyey Ciidanka Miino-Baarista ee Booliska

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 25kii November 2015 ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan. Waxaa uu intaa ku darey in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidammada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan u adeegidda iyo difaaca qarannimada iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa min labo darajo dalacsiiyey ciidamada Miino Baarka ee sida gaarka ugu qaabilsan Eeyaha. Sidoo kale Ciidammada Miino Baarista Booliska Soomaaliyeed iyo xubnaha la shaqeeya ee Ciidammada Dembi Baarista Booliska (CID) waxuu dalacsiiyey min hal darajo.

Shirweyne Qaran ee lagu horumarinayo Warbaahinta Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa waxey soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo labo cisho ka socday Muqdisho 24kii iyo 25kii November 2015 oo ujeedadiisu aheyd sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta Wasaaradaha Warfaafinta ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururadda warbaahina iyo hay’adaha caalmiga ee ka howlgala warbaahinta Soomaaliya. Kulankan waxaa shir guddoominayey Wasiirka Warfaafnta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasiiradda Warfaafinta Dawlad goboleedyada ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdinuur Cali Aadan, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdi Maxamud, Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Mudane Maxamed Aadan Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel). Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiillo ka socda Gobollada Banadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe, Wakiilo ka socda ururrada ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, Dawladdo iyo diblomaasiyiinta daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera warbaahinta Soomaaliya. Waxaa shirka taageeray xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (UNSOM) oo si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM, Nicholas Kay ayaa ka soo qeybgalay furitaanka shirka. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18 qodob iyo Wasiirada oo kala saxiixday Heshiis is-afgarad ah si loo xoojiyo xiriirkooda iyo wadashaqeyntooda.

Baarlamaanka oo ansixiyey Sharciga Maalgeshiga Shisheeye

Kulanka baarlamaanka ee 23kii November 2015 waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta hindise sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye oo soo maray marxaladooyinkii kale duwanaa ee loogu talo galay in ay maraan sharciyada ka gudbaya baarlamaanka, waxaana u codeeyay sharcigani oo codeyn gacan tag ah ku ogolaatay 143 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacbaka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay shirkii maanta. U codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeye kaddib waxaa xildhibaannada baarlmaanka ugu mahadceliyay in sharcigaasi ay meel mariyaan oo ay guteen waajib Dastuuri ah Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan.

Wadatashi Heer Qaran ah ee sharicga Xisbiyada oo la hirgeliyey

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa 23 November 2015 soo gunaanaday wadatashi heer Qaran oo socday saddex maalmood kaasi oo looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Sharciga Axsaabta siyaasadda. 200 ergo ayaa isugu yimid kulanka oo ka kala socday bulshada rayidka, ururada siyaasadda, maamulgoboleedyada, xildhibaanadda golaha shacabka, wasiiro iyo wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ah. Wadatashigan oo qeyb ka ahaa wadatashiyo socday oo lagu qabtay dalka qeybihiisa kala geddisan, ayaa wuxuu qeyb ka ahaa dadaal ay Wasaaraddu dooneysay in lagu soo aruuriyo tallooyinka iyo afkaarta bulshada qeybaheeda kala duwan si loo meelmariyo hindise sharciyeedka. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in sharcigani uu laf-dhabar u yahay hanaanka sidii dalka loo gaarsiin lahaa nidaam dimuqraadi iyo xisbiyo qaran oo ku tartama aragti siyaasaddeed oo hormarisa dalka iyo dadka. Tallooyinka ka soo baxay wadatashiga ayaa loo adeegsan doonaa sidii loogu biirin lahaa hindise sharciyeedkan ka hor inta aan loo gudbin golaha Wasiirada si kadib loogu sii gudbiyo baarlamaanka.

Istuudiyo casri ah oo qalabeysan oo laga hirgelieyey xarunta SNTV

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 22kii November 2015 si rasmi ah u furay istuudiye casri ah oo ay qalabeysay dowladda Finland, kaasi oo loogu talagalay in si toos ah looga baahiyo barnaamiyada xaasaasiga ah ee dowladda iyo kuwa kale ee arrimaha bulshada ah. Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Wasaaradda, howlwadeenno iyo marti sharaf kale, waxaana u jeedka xafladda ay ahayd furista istuudiye laga baahin doono tebin toos ah. Agaasimaha Telefishinka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa dowladda Finland uga mahadceliyay sida ay u suurta gelisay tababarsiinta shaqaalaha iyo qalabeynta istuudiyaha, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dadkii lahaa fikirka ah in lagu guuleysto hirgelinta istuudiye cusub oo loogu adeego bulshada. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa wakiilada ka socda dowladda Finland uga mahadceliyay hirgelinta istuudiyahan casriga ah, isagoo xusay in bilooyinkii ugu dambeeyay Warbaahinta Qaranka ay sameysay horumar muuqda. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xariga ka jaray istuudiyaha cusub ayaa uga mahadceliyay intii suurta gelisay hirgelinta istuudiyaha cusub, waxaana isaga oo ku hadlaya magaca golaha shacabka Soomaaliyeed uu xusay inay tahay talaabo horumar leh. Gabogabadii waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay Wakiiladii ka socday dowladda Finland iyo howlwadeenada Telefishinka Qaranka ee tababarka loo soo gabo gabeeyay.

Xaruntii Wakaaladda Hindisaha oo la dhagax-dhigay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa 26kii November 2015 dhagax dhigay xaruntii Wakaaladda Hindisaha Soomaaliyeed oo dib u dayactir lagu sameeynayo. Xarunta Wakaaladdii Hindisaha Soomaaliyeed oo qaban jirtay shaqooyin kala duwan oo la xiriira hawlaha dhismaha dalka, sida diyaarinta naqshadaha xarumaha dowladda, sameynta waddooyinka gadiidka isticmaalo iyo hawlo kale ayaa waxa ay muhiimad u tahay soo celinta qabashada adeegyadaasi. Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda ayaa tilmaatay in dhaqaalaha lagu dayactirayo xaruntan ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda Howlaha Guud. Gudoomiyaha Degmadda Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa wasaaradda ku bogaadiyay dhismaha xaruntan oo muhiim u ah dalka. Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay in wasaaraddu ay dadaal ballaaran ugu jirto soo celinta dhamaan xarumihii kala duwanaa ee wasaaradda.

Dayactir waddooyin laga hirgelinayo degmooyinka Heliwaa & Kaxda

Wado isku xirta isgoysyada SOS iyo xaafada waxaracade oo ay saameeyeen Roobabkii ka da`ay Magaalada Muqdisho ayaa 24kii November 2015 Maamulka Degmada Hiliwaa waxa ay ka bilaabeen howlo lagu dayactirayo Wadadaasi, iydoona dhibaato xoog leh ay ku qabaan gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala wadadaasi. Dayactirka wadadaasi ayaa waxaa iskakaashanaya Maamulka iyo Bulshada degmada Hiliwaa ee Maqaalada Muqdisho waxaan arrintaasi si aad ah u soo dhaweeyay Bulshada ku nool degmadaasi gaar ahaan dadka adeegyada caafimaad u soo aada Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS. Dhanka kale Maamulka degmada Kaxda ee gobolka banaadir ayaa waxa ay degmada ka bilaabeen 23 November 2015 dib u dayactir xoogan oo dhanka waddooyinka ah, gaar ahaan wadada isku xirta deegaanka tareedisho iyo degmada Kaxda, kaasi oo loogu talagalay in lagu fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose. Dib u dayactirka wadada ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka degmada, dadka deegaanka iyo maamulka gobolka banaadir, iyadoo wadadan ay aheyd mid xiran, isla markaana aan horey u shaqeyn jirin balse hada ay timid in baahi ay u qabaan dadka deegaanka awgeed dib u habeyn lagu sameeyo.

Isku-dhafka Ciidanka XDS oo meel fiican mareysa

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa 24kii November 2015 kormeer howlleed oo uu ugu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin Ciidanka wuxuu ku tagey xeryaha ay dagan yihiin Ciidamadda Xoogga dalka ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula hadlay ciidamadda Xooga dalka ee dhawaan isku dhafka lagu sameeyey. Isagoo sidoo kale tagey Dekedda weyn ee Kismaayo iyo xarumuhii Ciidanka Badda Soomaaliya ee yaalay magaalada Kismaayo. Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka maadaama ay nasiib u yeesheen in ay noqdaan ciidankii ugu horeeyey ee Isku dhaf lagu sameeyey. Taliyaha ayaa ku dhiirigelieyey ciidanka anay illaaliyaan nafta, sharafka, iyo hantida ummadda, kana difaacaan dalka caddowga Al Shabaab. Taliyaha iyo Wafdiga la socday oo ay weheliyeen saraakiisha Ciidamadda ee deegaanadda Jubbooyinka ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Akeedeemiyada ee duleedka Kismaayo iyo xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha magaalada Kismaayo. Waxana uu Taliyuhu kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Dekadda weyn halkaas oo ay ka soconayeen xiligii uu booqonayay shaqo maalmeedka caadiga ah.

Ergooyin ka badan 750 oo ka soo jeedda Somaliland oo wadatashi ka sameeyey nooca doorasho ee 2016ka

Magaalada Muqdisho ayaa 23kii November 2015 waxaa lagu qabtay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay isagu yimaadeen kuwaas oo gaarayey in ka badan 750 ergo. Ujeedada ayaa aheyd sidii shacabka Soomaaliland ay u soo gudbin lahaayeen fikirkooda ku aadan nooca doorasho ee 2016 laga hirgelin karo dalka. 750 ergo ayaa matalayey shacabka Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xildhibaano, iyo siyaasiyiin ka hadashay goobta wadatashiga ayaa sheegtay muhiimada wadatashiga iyo sida loo doonayo in shacabka ay aayahooda uga tashadaan.

Gudiga Fataahadaha iyo Elnino oo si xoog leh u howlgalay

Guddiga heer wasiir oo ay dowladda u xilsaartay arrimaha fataahaadaha iyo dabeysha xooga badan ee Elnino ayaa in muddo ahba ku howlanaa sidii shacabka deegaanadaas loo gaarsiin lahaa gar-gaar deg-deg ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hoggaaminayey guddiga heer wasiir oo dhowaan kulamo la qaatay hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa beesha caalamka iyadoo ujeedadu aheyd in la qiimeeyo waxqabadka guddiga iyo sida loogu diyaar garoobay fatahaada iyo dabeysha Elnino. Guddiga ayaa ku guuleystay in gobollada la gaarsiiyey gar-gaar deg-deg ah lana rajeynayo in inta dhimana la dhameystiri doono. Dowladda Federaalka ayaa xooga saartay sidii sanadkan looga hortagi lahaa musiibooyinka dabiiciga ah oo ilaa hadda lagu guuleystay in shacabka deegaanada wax loo qabto.

DHAMAAD WXQ 15 WXQ 1 WXQ 2 WXQ 4 WXQ 2 WXQ WXQ 9 WXQ 8 WXQ 7 WXQ 6 WXQ 6 WXQ 4

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor