Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirka Wadatashiga Qaranka oo lagu heshiiyey habraaca siyaasadda 2016ka, Barnaamijka Deriseynta oo la dar-dargelinayo, Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo heshiiska Kheyraadka kala saxiixday, Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Fatahaadaha, 298 Ardey ka qalinjabisey Jaamicadda Salaam, Eedeysane Al-Shabaab ka tirsan oo Maxkamada Ciidamada Xukuntay, Dowladda Imaaraadka oo Doonyo ku wareejiyey Booliiska, Wakaaladaha Wararka Soomaaliya iyo Sudan oo heshiis kala saxiixday, Telefishanka Qaranka oo bilaabay barnaamijyada tooska ah (live), Safaarada Soomaaliya ee Ciraaq oo dib loo furay, 325 arday oo deeq waxbarasho ugu ambabaxay dalka Ethiopia, Magaalada Wabxo oo Al-Shabaab laga xoreeyey iyo Wasaaradaha Warfaafinta Somalia iyo Sudan oo heshiis kala saxiixday.

Shirka Wadatashiga Qaranka oo lagu heshiiyey habraaca siyaasadda 2016ka

Shirkii koowaad ee Madasha Wadatashiga heer Qaran ayaa Muqdisho lagu qabtay 19kii iyo 20kii Oktoober 2015. Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka. Shirkan waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur-Galbeed iyo GalMudug. Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Gobollada Banadir, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa goob joog ahaa iyo bulshada rayidka. Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed lagu sheegay in la qabanayo wadatashiyo bulshada lagala yeelanayo nooca doorasho ee la qaban karo 2016, isla markaasna lagu heshiiyey in la isu soo noqdo usbuuca labaad ee December si go’aan looga gaaro nooca doorasho ee la qaban karo.

Barnaamijka Deriseynta oo la dar-dargelinayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Mungab” iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay 19kii October 2015 muunaasabad lagu soo bandhigayay barnaamijka dariseynta, oo laga hirgaliyay 9 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir. Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, iyadoo xafladda lagu qabtay xarunta Degmada Howlwadaag. Agaasimaha barnaamijka Dariseynta Cabdixakiim Maxamed Haadi ayaa sheegay in faa’idooyin badan laga dhaxlay mashruuca dariseynta, oo ah in la isku xiro bulshada kunool degmada oo ay noqdaan kuwa wada shaqeeya oo isku gar gaara. Gudoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada ku nool Degmada ay yihiin kuwa si wanaagsan u wada shaqeeya, isla markana ay sababtay in barnaamijka deriseynta laga hirgaliyo Degmada. Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen “Mungab” ayaa tilmaamay in ujeedka laga leeyahay ay tahay sidii bulshada iyo maamulka degmada ay iska warqabi lahaayeen oo ay noqdaan kuwa isku xiran oo og, cidkasta oo habeenkaas degmada ku soo biirta. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka foojig naadan dhagarta Kooxda Nabad-diidka ah ee UGUS, isla markaana ay la shaqeeyan Hey’adaha ammaanka Qaranka, si looga hortago cidkasta oo amni darro abuureysa.

Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo heshiiska Kheyraadka kala saxiixday

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa 22kii October 2015 magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis is afgarad ah oo ku saabsan sida looga faa’ideysan karo kheyraadka dalka. Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Batroolka xukuunadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mukhaar Ibraahim iyo Wasiirradda Batroolka iyo Tamarta ee Maamullada Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed iyo Galmudug. Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka wasaaradda Batroolka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaani uu dhigayo in la soo magacaabo guddi ka kooban Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo muddo 7 cisho ah ka soo shaqeynaya qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka iyo Khayraadka Dalka. Heshiiskan waa mid horudhac ah oo la rabo in laga gaaro is faham siyaasadeed oo ku aaddan qaabkii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka Dalka. Maamullada dalka ayaa soo magacaabayaan dadkii uga qeyb geli lahaa wada hadalka dowladda dhexe, oo ay ka wada shaqeynayaan sidii is faham buuxa loo gaari lahaa, kaasoo ku saabsan kheyraadka dalka, sida laga yeelayo heshiisyadii hore loo galay iyo qaabka loo wadaagayo kheyraadka dalkeenna.

Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Fatahaadaha

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shir isagu yimid 22kii October 2015 ayaa ka hadlay arrimaha Fatahaadaha iyo dhibaatooyinka ay keeni karaan roobabka sida “EL ÑINO”. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaasheegay in Fatahaadani ay saameyn ku yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida dhulka ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, gaar ahaana gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose. Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in la dhiso guddi heer Wasiir ah, kaasoo howshiisu noqon doonto xiriirinta dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar uu xusay in arrintani ay tahay musiibo ku soo wajahan dalka, loona baahan yahay inay xil iska saaraan dhamaamba qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibedda, ayna xukuumada gacan ku siiyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara.

298 Ardey ka qalinjabisey Jaamicadda Salaam

Munaasabad ay ku qalin Jabinayeen 298 Arday oo ah kulyadaha kala duwan ee Jaamacada Salaam ayaa 19kii October 2015 xaflad loogu qabtay hotel City Palace ee Muqdisho. Xafladda Qalin jabinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro, xildhibaanno, Abwaano, Waalidiin, Madaxda Jaamacadaha dalka iyo dad badan oo bulshada magac ku dhex leh. Guddoomiyaha Jamacada Salaam Cabdulqaadir Axmed Mahad ayaa u hambalyeeyey ardeyda qalinjabisay. Xildhibaan Osmaan Mohamud Dufle, Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Mudane Cismaan Daalo, Wasiir Ku xigeenka Wasarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulaahi Colaad Rooble iyo Wasiirka Dhalinyada iyo ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux ayaa ugu baaqay dhalinta ka qeyb qadashada Hormarka dalka.

Eedeysane Al-Shabaab ka tirsan oo Maxkamada Ciidamada Xukuntay

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qaybteeda 6o-maad ee magaalada Baydhabo ayaa xukun shan-sano oo xarig ah ku ridday eedaysane Al-Shabaab ka tirsan oo lagu magacaabo Xuseen Weerow Isaaq Jilibay oo soo weeraray isaga iyo maleeshiyaad kale 11 bishii Todobaad guri ay daganaayeen Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow iyo Wasiirku-xigeenka Xanaanada Xoolaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir koofi. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Baay Gaashaanlle Aadan Abuukar Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ay ku ridday Eedaysanaha oo maxkamaddu ay ku ridday xukun xabsi Shan-sano ah Cadaymo badan kaddib. Muddooyinkii dambe maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Gobolka Baay waxa ay wadday dadaallo cadaaladda loogu ridayo eedaysanayaasha damacsan daadinta Dhiigga Shacaka Soomaliyeed.

Dowladda Imaaraadka oo Doonyo ku wareejiyey Booliiska

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 17kii October 2015 Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay doonyo dheereeya oo loogu talagalay in ciidanka badda ay ku howlgalaan. Doonyahan oo ah kuwa dheereeya ayaa ah kuwa loogu talagalay in ciidanka Booliiska badda ay ku howlgalaan oo ay xeebaha dalka ka difaacaan cidkasta oo ku soo xadgudubta, si loo xaqiijiyo amniga xeebaha. Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in mar waliba ay garab taaganyihiin caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana doonyaha maanta ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu tayaynayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka. Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka deeqda doomaha ah ay soo gaarsiisay taliska ciidanka booliska Soomaaliya si wax badan looga qabto amiga dalka. Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in deeqdan ay timid xili loo baahnaa, hayeeshee aysan kufilneen intaan ilaalinta xeebaha dalka, isagoo xusay in dowladda Imaaraadka ay ka rajeynayaan mid tan ka badan.

Wakaaladaha Wararka Soomaaliya iyo Sudan oo heshiis kala saxiixday

Wakaaladaha wararka ee Soomaaliya iyo Suudaan (Sonna & Suna) ayaa hishiis is afgarad ah ku saxiiday Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan 21kii October 2015 iyadoo halka hishiiska ka dhacayay uu goobjoog ku ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, Uqaybsanaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan dhanka Warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow. Hishiiskan is afgaradka ah ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ah in labada wakaaladood ay iska kaashadaan sidii ay wararka iyo warbixinada laba dalka isku waydaarsan lahaayeen sidoo kalena in tababaro iyo khubarada labada dhinac lays dhaafsado. Hishiiska ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliya Mudane Axmed Faarax Maxamed Gaatamow halka dhanka kalena u saxiixay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Suudaan. Heshiiskan ayaa kor u qaadi doona tayada SONNA.

Telefishanka Qaranka oo bilaabay barnaamijyada tooska ah (live)

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”ayaa 17kii October 2015 xarigga ka jaray adeeg cusub oo lagu soo kordhiyay Telefishinka Qaranka, kaasoo ah in uu si toos ah u tebinayo barnaamijyada iyo wararka ka baxa SNTV. Wasiirka oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenkiisa C/llaahi Colaad Roobe, Agaasimaha Telefishinka Qaranka C/raxmaan Yuusuf Alcadaala iyo mas’uuliyiin kale ayaa si toos ah xarigga uga jaray adeega cusub oo si toos u tabindoona wararka iyo barnaamijyada kabaxa SNTV.

Safaarada Soomaaliya ee Ciraaq oo dib loo furay

Safaarada Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa dib loo furay ka dib markii dayactir lagu sameeyey. 16kii October 2015 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Dr Abdisalam Hadliye Omar iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeybgaleen xafladii lagu qabtay xarunta safaarada Soomaaliya ee xarunteedu tahay Baqdaad. Safaarada ayaa dib u howlgasho ka dib muddo 25-sano ah. Waxaana Safaaradda Xariga Si wada jir ah uga jaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalka Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka Ciraaq, iyadoo halkaasi goob joog ay ka ahaayeen, Danjiraha Somalia ee Ciraaq, marwo Khadiija Al-Makhsuumi, safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait, Maxamed Sheekh Amiin, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee baarlamaanka Somalia, C/qaadir Cosoble Cali, wasiirka bartoolka, Maxamed Mukhtaar iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

325 arday oo deeq waxbarasho ugu ambabaxay dalka Ethiopia

Wasiirka Waxbarashada xukuumada Soomaaliya Khadar Bashiir Cali oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradaasi iyo xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliaya ayaa kulan sagootin ah waxay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu sameysay arday 325 kuwaas oo laga kala keenay 18 gobol ee dalka islamarlaana deeq waxbarasho ka helay dowlada Ethiopia. Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Cabdulaahi Bile Nuur ayaa ardayda u sheegay in looga baahan yahay ku dadaalida waxbarashada maskaxdana ay ku haayaan inay yihiin madaxda mustaqbalka. Wasiirka Waxbarashada xukuumada Soomaaliya Khadar Bashiir Cali ayaa la dardaarantay ardeyda kuna dhiiri gelisay inay xoojiyaan dadaalkooda si ay guulo uga gaaraan waxbarashada ay baranayaan. Ardaydan Soomaaliyeed ayaa dalka Itoobiya Jaamacado ku yaala waxey ka baran doonaan maadooyin kala duwan. Ujeedada ayaa ah in ardeyda Soomaaliyeed ay khibrad iyo waayo aragnimo ka soo qaataan dhaqanka iyo nidaamka dalalka dibedda si marka ay u soo noqdaan ay u xoojiyaan tayada waxbarashada Soomaaliya.

Magaalada Wabxo oo Al-Shabaab laga xoreeyey

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa kooxaha argagaxisada ka xoreeyey magaalada Wabxo oo ka tirsan degmada Ceelbuur. Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ciidanka ku ammaanay doorkooda xoreynta Wabxo, kuna dhiiri geliyey inay sii wadaan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Guusha ay ciidamadu kaga sifeeyeen kooxaha argagaxisada Magaalada Wabxo waxey fursad siineysaa in shacabka deegaanku ay cabsida ka baxaan una soo jeestaan inay horumarka deegaanka kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug.

Wasaaradaha Warfaafinta Somalia iyo Sudan oo heshiis kala saxiixday

Barnaamijkan fulinta ah ee ay wada saxiixdeen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa uu daba socdaa hishiis iskaashi oo ay horay u wada gaareen labada wasaaradood kaas oo la saxiixay sanadka markuu ahaa 2007, isagoo hishiiskaas hirgalay sanadka markuu ahaa 2010 oo ahayd markii ay Baarlamaanka Dowladda Suudaan ansaxiyeen. Barnaamij fulineedkan ayaa waxa uu si rasmi ah u bilaabanayaa bilowga sanadka soo socda ee 2016 kaas oo lagu balansan yahay in la hirgaliyo dhamaan qodabadii lagu hishiiyay sanadkii 2007. Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta waxaa dhinacooda u saxiixay Agaasimaha Guud Mudane Cabdirisaaq Cali Yusuf Bahlaawi halka dhanka Dowladda Sudan uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdulmaajid Haaruun Cabdulmajiid. Waxaana hishiiskaas goobjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan iyo wafood iyo mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socotay.

DHAMAAD

Madasha3
Weekly3
UNASG
Weekly1
Weekly9
Weekly5
Weekly7
Weekly9
Weekly

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor