Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo booqday degmada Diinsoor, Howgalo Booliiska ay sameeyeen oo lagu soo qabqabtay Al-Shabaab, TV-yada Qaranka ee Soomaaliya iyo Turkey oo heshiis kala saxiixday, GalMudug oo ASWJ heshiis la gaartay iyo Gole Wasiiro ay yeelatay GalMudug, Waddo Laami ah oo Muqdisho lagu dhagax dhigay, Al-Shabaab oo laga saaray deegaano Sh/Hoose ka tirsan, Garoon Diyaaradeed oo laga hirgelinayo degmada Bardaale, Baarlamaanka GalMudug oo ansixiyey Guddi hoosaadyada, Baarlamaanka oo ansixiyey Sharciga Hanti Dhowrka Guud, Nidaam Tayo-Dhowr ah oo Wasaarada Ganacsiga hirgelineyso, Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta oo Muqdisho lagu qabtay, Ciidanka XDS oo la wareegay deegaanada Barwaaqo iyo libaaxloow, Xarun cusub oo waxbarasho ee danyarta oo Kaaraan laga hirgeliyey, Shirweyne Wadatashi oo laga furay Gaalkacyo, iyo Dhismo cusub ee Jaamicadda SIMAD oo xariga laga jaray.

Madaxweynaha oo booqday degmada Diinsoor

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa 26kii August 2015 booqday degmeda Diinsoor ee Gobolka Bay oo dhowaan laga xorreeyey kooxaha aragagaxisada ah. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Madaxweynaha maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Mudana Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan labada gole (Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka), qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka kala duwan iyo qeybaha bulshada ku nool Diinsoor, wuxuuna ballan qaaday in dowladda Federeelka ay gacan ka geeysaneyso dib usoo nooleeynta adeegyadii bulshada ee degmada Diinsoor. Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga uu weli yahay muhimadda koowaad ee dalka, loona baahana yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee dhowaan degmadaasi ka saarey kooxda nabad diidka ee Al Shabaab. Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda oo kaashaneysa beesha caalamka ay ka shaqeyneyso in degaannada laga xoreeyay Al Shabaab, sida Diinsoor lagu soo celiyo adeegyadii asaasiga ahaa ee shacabku u baahan yahay.

Howgalo Booliiska ay sameeyeen oo lagu soo qabqabtay Al-Shabaab

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa 24kii August 2015 Howlgallo dad lagu soo qab-qabtay waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Jeneral Axmed Xasan Maalin Taliyaha hogaanka howlgallada ee ciidanka booliska oo hogaaminayay Ciidamadii howlgalka ka sameeyay Degmada Hodan ayaa sheegay in Howlgalkaas lagu soo qab-qabtay dhallinyaro la-la xiriirinayo Kooxda Shabaab iyo Hubkii ay wateen. Ciidamada Boliiska ayaa intii ay wadeen Howlgalkan waxa ay Guri guri u Baareen Xaafadaha degmada Hodan halkaas oo lagu tuhmayey maleeshiyaad ka tirsan kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab in ay ku dhuumaaleysanayaan.

TV-yada Qaranka ee Soomaaliya iyo Turkey oo heshiis kala saxiixday

27kii August 2015 ayaa TV-ga Qaranka iyo TV-ga Qaranka Turkey ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Heshiiskan aya a waxaa SNTV u saxiixey Agaasimaha Waaxda TV-ga Qaranka iyo Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay Md Abdiraxmaan Yuusuf Sh Al cadaala, halka Dowladda Turkey uu u Saxiixay Agaasimaha Tv-ga iyo Idaacadda TRT Mr Senol Goka. Al-Adaala ayaa amaaney sida Maxda TRT ay usoo dhoweeyeen, waxuuna uga mahadceliyey sida ay u garabtaaganyihin walaalahooda Soomaaliyeed. Labada agaasime ayaa si wada jir ah u soo dhoweeyey heshiiskan labada TV ay kala saxixdeen, kaasi oo ay sheegeen in uu wadada u xaari doono wax wadaqabsi waara oo uu udhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Turkiga iyo Soomaaliya. Heshiiska oo ka dhacay xarunta TV-ga TRT ee magaalada Ankara ayaa waxaa gobjoog ahaa Masuuliyiin ka socday Safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

GalMudug oo ASWJ heshiis la gaartay iyo Gole Wasiiro ay yeelatay GalMudug

28kii August 2015 ayaa Madaxweynaha Dowladda GalMudug ee Soomaaliya uu ku dhowaaqay Golaha Wasiirada GalMudug oo ka kooban Wasiiro, Wasiiro-Dowlayaal iyo Wasiir ku xigeenno. Talaabadan ayaa ah mid horey loogu qaaday hirgelinta barnaamijka Federaalka oo ay Dowladda Federaalka ku howlaneed muddo, iyadoo ujeedadu ay tahay in dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan oo dhammaan deegaanada dalka la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. GalMudug ayaa 27kii August 2015 heshiis taariikhi ah la gashay Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ), tanoo horseed u noqoneysa nabadeynta iyo midnimada bulshada deegaannada GalMudug. Heshiiskan ayaa lagu qeexay in ASWJ ay ciidamadeeda ka mid noqon doonaan ciidamada GalMudug, isla markaasna dhammaan awood qeybsiga siyaasadda laga qeybgelin doono ASWJ. Heshiiskan ayaa ah mid dadka deegaanka ay aad ugu baahnaayeen, lana rajeynayo in maamulka GalMudug uu sii dardar-gelin doono dib u heshiisiinta beelaha deegaanka, si dadka deegaanka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.

Waddo Laami ah oo Muqdisho lagu dhagax dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka ayaa 25kii August 2015 dhagax dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinayo degmada Hodan. Wadadan ayaa ka bilaabanaysa isgoyska Taleex, taasi oo ku eg ilaa iyo jidka wadnaha, iyadoo mashruucan ay taabo gelineyso dowlada Norway, oo Maamulka Gobolka banaadir u soo marsiisay dhanka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda, waxaana ay qeyb lixaad leh ka qaadan doontaa bilicda caasimadda.

Al-Shabaab oo laga saaray deegaano Sh/Hoose ka tirsan

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee kusugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku Guuleystay in kooxda Al-Shabaab ay ka saaraan deegaanno katirsan Gobolkaasi. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxmed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka howlgallo lagu saarayo kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cisman ayaa intaa raaciyay in ciidamada ay Dagaalkaas ku dileen Maleeshiyaad badan oo ka-tirsan kooxdaas. Ugu dambayntii Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ay sii socon Doonaan Howlgallada lagu baacsanayo Kooxda Arxan laawayaasha ee Al-Shabaab kuwaas oo Caado ka dhigtay in ay laayaan Umadda Soomaaliyeed.

Garoon Diyaaradeed oo laga hirgelinayo degmada Bardaale

Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Kooafur Galbeed ee Soomaaliya ayaa 23kii August 2015 xariga ka jaray garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Munaasabaddii xariga looga jarayay garoonka diyaaradaha ee laga hirgeliyay magaalada Bardaale ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Baay iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Gobolka Baay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in diyaaraduhu ay isticmaali karaan garoonka diyaaradaha, isagoo shacabka iyo maamulka degmada ku bogaadiyay in si wadajir ah looga qeyb qaato horumarka gobolka. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Koonfurta Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in lagu guuleystay garoonka laga hirgeliyay degmada Bardaale, isagoo mahadcelin u jeediyay hay’adihii gacanta ka geystay dhismaha garoonka.

Baarlamaanka GalMudug oo ansixiyey Guddi hoosaadyada

Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamanka Galmudug kulankiisa 9-aad oo ay soo xaadireen 47-Xildhibaan ayaa 22kii August 2015 waxaa shirgudoominayay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana ajanduhu ahaa meelmarinta gudi hoosaadyada Baarlamanka oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay samayntooda lagu guda jiray.
Gudiyadas oo tira ahaan gaaraya 9-gudi ayaa kala ah
1-Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa
2- Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha gudaha
3- Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta
4- Guddiga arrimaha bulshada
5- Guddiga Beeraha, Kheyraadka iyo Bii’ada
6- Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda
7-Guddiga wadooyinka, Dekadaha iyo howlaha guud
8- Guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo arrimaha beni-aadanimada
9- Guddiga xuduudaha iyo amniga.
Dood dheer oo Baarlamanku ay ka yeesheen qaab dhismedka gudiyada ayaa ugu dambayn waxa ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah. Meel marinta guddi hoosaadyada Baarlamanka ayaa ah talaabo muhiim ah, iyadoo guddi walbaa uu u howlgali doono qabashada waajibaadka horyaalla.

Baarlamaanka oo ansixiyey Sharciga Hanti Dhowrka Guud

Warbixinta Dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka waxaa Baarlamaanka keenay guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka, ayadoo guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh uu Xildhibaannada ka hor sheegay in Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka ay Xildhibaannadu ansixiyeen bishii January ee sanadkii 2014 balse uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda dib ugu soo celiyey Baarlamaanka. Xoghayaha Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo Xildhibaannada u akhriyey wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyey iyo qodobadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka biya diiday ee sababta u ahaa in sharcigan dib loogu soo celiyo Baarlamaanka oo markii hore ansixiyey. Soo jeedintaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka codeyn gacan taag aheyd ku meel mariyeen dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka waxaana ogolaaday 156 Xildhibaan, waxaa diiday 2, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan. Sida uu qabo dastuurka dalka qodobkiisa 90aad xafarkiisa (F) wuxuu saxiixayaa sharciyada uu ansixyo Baarlamaanka si sharci looga dhigoj.

Nidaam Tayo-Dhowr ah oo Wasaarada Ganacsiga hirgelineyso

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsatada dibadaha wax ka keena iyo kuwa u dhoofiyaba in laga bilaabo 15 bisha Sebtember 2015 guud ahaan Soomaaliya laga hirgelin doono nidaam taya dhawr si loo ilaaliyo deegaanka iyo faya dhawrka shacabka Soomaaliyeed. Badeecooyinka dalalka laga soo dhoofiyo inta aanan laga soo rarin waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan lagu ogaanayo tayada, kaddibna waxaa la siinayaa shahaado tayo oo caddeynaysa in badeecadaasi ay tayadeedu waafaqsantahay heerkii loogu tala galay. Barnaamijkan waxaa fulin doona Shirkadda PGM oo khibrad dheer u leh baaritaannada tayada badeecooyinka kala geddisan, kana hawl gasha in ka badan 40 dal, xarunteeduna tahay dalka Turkiga, taas oo ay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, heshiis kula gashay in ay koontarool ku sameyso dhammaan badeecadaha dalka soo galaya si loo hubiyo fayo dhawrka dadka iyo deegaanka oo dayacnaa 25kii sano ee lasoo dhaafay. Shahaadooyinka ay bixiyaan xafiisyada PGM ee dibadda waxaa mar kale lagu hubin doonaa dekadaha iyo garoomada Soomaaliya oo ay shaqaalaha shirkaddu ku suganyihiin si looga hortago in la sameysto shahaadooyin been abuur ah.

Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta oo Muqdisho lagu qabtay

Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta ayaa Muqdisho laga furay 26kii August 2015. Bandigan seddexda cisho ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugaag fara badan iyadoo ay ka soo qeybgaleen qoraa Soomaali ah, aqoonyahano iyo dadka aad u daneeya aqriska buugaagta. Mohamed Sheikh Ali Ahmed Diini, oo soo abaabulay barnaamijkan ayaa aad u ammaanay sida uu u hirgalay una mahadceliyey dhammaan ka soo qeybgalayaashii. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaalka mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa ka qeybgalay 27kii August 2015 si uu u dhiirigeliyey qoraalka iyo aqriska buugaagta oo muhiim u ah horumarka bulshada. Bandhigan ayaa fursad gaar ah lagu siiyey dhaliyarada dalka gudihiisa jooga ee ama buugaag qoray ama doonaya inay qoraan, si ay wax uga fahmaan oo ay khibrad uga qaataan. Waxaa jirey wiil 16 jir ah oo lix buug qoray oo ka soo qeybgalay bandhigan.

Ciidanka XDS oo la wareegay deegaanada Barwaaqo iyo libaaxloow

Ciidamada XDS ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaannada tuulo Barwaaqo iyo Libaaxloow oo ka tirsan gobolka Gedo. Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hoos yimaada gobolka Gedo halkaasoo ay jid gooyooyin dhigan jireen. Deegaannada tuulo barwaaqo iyo Libaaxloow ayaa ka mid ah meelaha ugu dambeeya ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ay uga sugnaayeen gobolkaasi. Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed Buraale ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamadu ay la wareegeen tuulooyinka Libaaxloow iyo tuulo barwaaqo oo ka tirsan degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo xooggan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wada gobolka Gedo iyo gobollo kale oo dhaca bartamaha iyo koofurta dalkeenna Soomaaliya.

Xarun cusub oo waxbarasho ee danyarta oo Kaaraan laga hirgeliyey

Xaruntan cusub oo lagu magacaabo Geesdiir foundation, looguna talagalay in wax lagu baro carruurta danta yar ee aan waalidintooda awoodin inay geeyaan goobaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay, gaar ahaan kuwa agoonta ayaa 26kii August 2015 laga hirgeliyay degmada Karaan, halkaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo xubno kale. Caasho Cumar Geesdiir oo hirgelisay xaruntan ayaa sheegtay in wax lagu bari doono carruurta iyo haweenka ka soo jeeda qoysaska danta yar, iyadoo xustay inay isugu jirto Dugsi Hoose iyo dhexe oo ka kooban shan fasal, ayna wax ku baran doonaan 90 arday. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee degmada Karaan Cabdiqaadir Axmed Maxamed ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan maamulka Xaruntan, waxaana uu Caasho uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay dadka tabaaleysan. Xaruntan cusub ee laga hirgeliyay degmada Kaaraan, ayaa waxa ay wax weyn ka tari doontaa wax u qabashada carruurta aan nasiibka u yeelan inay waalidiintooda ay geeyaan goobaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Shirweyne Wadatashi oo laga furay Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland ayaa 25kii August 2015 magaalada Gaalkacyo ka furey shir wadatashi ah oo seddex maalin ah oo looga hadlay aayaha Puntland ayna ka qeybgaleen waxgarad kala duwan. Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Ergooyin badan oo isugu jira rag iyo dumar laga soo kala xulay deegaannada Puntland, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Madasha shirka Wasiiro, Xildhibaanno, Waxgarad iyo masuuliyiin kale duwan. Ujeedda guud ee shirka ayaa ah in la adkeeyo wada jirka Bulshada ku nool deegaannada Puntland, lana taban-taabiyo Nabadda, kalsooniada iyo is aaminaada bulshada, lana xaqiijiyo midnimada Ummadda iyada oo la marayo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa ergooyinka ka qeyb-galaya uga mahadceliyey ka qeyb-galka shirka, isagoo ku bogaadiyey in ay soo saaraan qodobo wax ku ool ah.

Dhismo cusub ee Jaamicadda SIMAD oo xariga laga jaray

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda SIMAD Dr. Cabdiraxmaan Al-Muxeylaan, ayaa 25kii August 2015 xarigga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay kuliyadda Injineeriyadda oo lagu soo kordhinayo Jaamacadda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah horumarinta jaamacadda SIMAD. Shir jaraa’id oo uu Dr. Muxeylaan ku qabtay xarunta jaamacadda ee waddada Warshadaha, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay mashaariic ay ku horumarinayaan adeegyada bulshada Soomaaliyeed. Wakaaladda Muslimiinta Afrika ayaa maamusha jaamacaddan oo la aasaasay sanadkii 1999-kii oo lagu billaabay machad xisaabaadka iyo maamulka lagu barto. Agaasimaha Wakaaladda Muslimiinta Afrika, Sheekh Xasan Badawi oo ka hadlay furitaanka dhismahan lagu soo kordhiyay jaamacadda ayaa yiri “Jimciyaddu waxay waligeed garab taagan tahay shacabka Somaaliyeed dhamaan qeybihiisa liita, jaamacadani shacabka Somaaliyeed waxay ugu adeegtaa tayo sarreysa iyo qarash aad u yar”. Dhismaha cusub ee loo dhisay kulliyadda Injineeriyada ayaa ka kooban 3 dabaq oo leh qalabkii wax lagu baran lahaa sida Laab ay ardayda loogu talo galay. Sanadkii hore ayaa dabaq kan oo kale ah loo dhisay kulliyadda caafimaadka oo iminka shaqeysa, halka dhawaan la hirgelin doono Isbitaal weyn oo ay bulshadu ka faa’iideystaan.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]
Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho -Somalia

Weekly5
Weekly
Weekly6
Weekly2
Weekly3
Weekly8
Weekly9
Weekly9
Weekly10
1px

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor