Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 26 Maarso 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha oo wadatashiyo la sameeyey Odayaasha Hiiraan, Degmada Jalalaqsi oo yeelatay Saldhig iyo ciidan Boolis 26 sano ka dib, Mashruuc dhismo wado oo laga hirgeliyey Baydhabo, Ciidamda Puntland oo dagaal uga adkaatay kooxaha Al-Shabaab, Tababar loo soo xiray Ciidanka Kumaandooska ah ee Danan, Madaxweynaha oo soo xiray Shirka Wadatashiga Hannaanka Dowladaha Hoose, Xildhibaano socdaal-shaqo ku gaaray deegaanada Sool iyo Sanaag, Wasaarada Warfaafinta oo kulan Wadatashi la yeelatay Suxufiyiinta Nairobi, Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo oo la daah-furay, Maxkamadda Sare ee Ciidanka oo dilayaashii Hindiya ku xukuntay Dil toogasho ah, Cidianka GalMudug oo 60 Maleeshiyaad Al-Shabaab ah dishay iyo Wadatashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka oo lagu qabtay Cadaado.

Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha oo wadatashiyo la sameeyey Odayaasha Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo gaaray Beledweyne 25kii Maarso 2016 ayaa bilaabay wadatashi uu la yeelanayey Madaxda Dhaqanka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee ku aadan dhismaha maamulka Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maalmo ka hor isna kulamo Wada tashi ah u tagey Beledweyn si uu Madax Dhaqameedka iyo madaxda qeybaha bulshada ugala soo tashto hrigelinta nidaamka federaalka ah iyo dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Madaxda Dowladda ayaa wada dadaalo Madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada labada gobol ay aayahooda uga tashan lahaayeen si maamulka la rabo in la dhiso uu u noqdo mid heysta sharciyada shacabka deegaanka.

Degmada Jalalaqsi oo yeelatay Saldhig iyo ciidan Boolis 26 sano ka dib

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ay weliyaan saraakiil isugu jira boolis, Soomaali iyo AMISOM, iyo taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle ayaa 23kii Maarso 2016 gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Ujeedka safarka ayaa ahaa bogaadinta ciidamo boolis ah oo muda 26 sano ah kadib ka howlgali doono degmada Jalalaqsi iyo furitaanka Saldhigii Booliska. Munaasabada kooban oo lagu qabtay gudaha magaalada Jalalaqsi ayaa si-weyn loogu soo dhaweeyey in degmada ay yeelato Saldhig boolis ah iyo ciidamada u adeega bulshada. Ugu Dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Maxamed Shiikh Xasan Xaamud waxa uu dadka ku nool Jalalaqsi uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaatan horumarka ciidamada booliska degmada iyo dhamestirka Ciidamada Booliska maadaama ay yihiin ciidamadii ugu horeyay ee boolis ah oo laga howlgaliyey Degmada.

Mashruuc dhismo wado oo laga hirgeliyey Baydhabo

Mashruuc lagu Dhisayay Waddo isku xirta Xaafado ka mid ah Magaalada Beydhabo oo muddo socday Dismaheeda ayaa 23kii Maarso 2016 la soo gaba gabeeyay. Mashruucan ayaa waxaa fuliyey Dowladda Japan. Waddadaan ayaa horay dhibaato waxaa ugu qabay dib u dhis la’aanteeda dadka reer Beydhabo xilliyada Roobabka ay da’ayaan oo waddadaan ay biyo fariisan jireen taas oo caqabad ku noqotay Isticmaalkeeda dadka iyo Gaadiidka. Dhismaha wadadaan wax ay dabooli doonaan baahidii waddo oo ay qabeen Bulshada ku dhaqan Magaalada Beydhabo gaar ahaan Xaafadda Buula Jadiid.

Ciidamda Puntland oo dagaal uga adkaatay kooxaha Al-Shabaab

Ciidamada Puntland ayaa dagaal ay la galeen kooxaha Al-Shabaab oo soo gaaray Togga Suuj ayaa 57 maleeshiyaadka lagu dilay halka la soo qabqabtay maxaabiis kor u dhaafeysa 30 oo ay ku jireen carruur ay kooxaha argagaxisad ah soo askareeyeen. Ciidamada Puntland ayaa 21kii Maarso 2016 soo bandhigay maxaabiistaas lagu soo qabqabtay Togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal, isla markaasna u gudbiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatarta ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yaryar. Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay billaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.

Tababar loo soo xiray Ciidanka Kumaandooska ah ee Danan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa 20kii Maarso 2016 tababbar ugu soo xiray garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska ah ee Danab. Ciidanka Kumaandooska ee tababbarka u socday muddo shan bil ah ayaa ku saabsanaa kor u qaadidda xeeladooda ku aadan difaaca dalka iyo sidii guud ahaan ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagixisada Al-Shabaab, iyadoo tababbarka ay bixinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka. Taliyaha oo tababbarka u soo xiray ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa ugu horeyn saraakiisha tababbarka bixineysay uga mahadceliyay sida ay gacan uga geysanayaan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu ciidamada kumaandooska kula dar-daarmay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo soo xiray Shirka Wadatashiga Hannaanka Dowladaha Hoose

Madxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19kii Maarso 2016 sooo xirey shir looga hadalyay hanaanka qaran ee Dowladaha Hoose kaasoo maalmo ka socdey magaalada Muqdisho. Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha & Federaalka, iyadoo diiradda lagu saaray Horumarinta Dowladaha Hoose, waxaana lagu soo bandhigay Barnaamij loogu Magacdaray Wadajir. Shirkan waxaa ka qeyb galay wafuud ka socotay Dowlad Gobleedyada iyo Gobolada Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaardfa Arimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Gundhigga shirkan uu ahaa yagleelidda Dowlado Hoose oo Awood leh. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in barnaamijka Wadajir uu muhiimad gaar ah u leeyahay sidii loo heli lahaa maamul-wanaag. Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” waxa uu tilmaamay in barnaamijka wadajir haddii la hirgaliyo uu xoojinayo Dowladnimada. Madaxweyne Xasan Shiiq oo soo xiray Shirka hanaanka Qaran ee Dowladaha Hoose ayaa tilmaamaay in dhismaha Horumarka dalka uu ku xiranyahay Dowlad Hoose oo Xoogan.

Xildhibaano socdaal-shaqo ku gaaray deegaanada Sool iyo Sanaag

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal ay ku gaareyn Deegaanno ka tirsan Goballadda Sool iyo Sanaag. Qaar kamid ah Xildhibaanada oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay inay socdaal shaqo ku tegeen deegaanno badan oo ay ka midyihiin buuhoodle iyo kuwa kale, isla markaana kulamo ay la qaateen Odoyasha Dhaqanka oo ay kala hadleen midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullahi Maxmaed, Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble iyo Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa sheegay in kulamadoodii ay qeybaha bulshada la soo qaateen ahmiyada lagu saarayey midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wasaarada Warfaafinta oo kulan Wadatashi la yeelatay Suxufiyiinta Nairobi

Barnaamij looga doodayay Hirgelinta xeerka cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo ay soo qaban qabisay Xarunta warbaahinta iyo wada hadalka ee (CMD) ayaa lagu qabtay Nairobi 21kii Maarso 2016. KUlankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Xogahayaha guud ee xarunta CMD Cabdulahi Maxamed Xuseen Taajirow, gudoomiyaha ururka Suxufiyinta qurba joogta Somaliyeed ee SEJASS Saciid Xasan Anteeno iyo qaar kamid ah agaasimayaasha iyo Suxufiyiinta ku dhaqan Kenya. Ka qeybgalayaasha ayaa aragtooda ka dhiibtay xeerka iyo sida ugu habboon ee loo dhaqangelin-karo oo ah in suxufiyiinta lagala tashto qorshaha dhaqangelinta. Wasiir ku-xigeen Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in suxufiyiinta lagala tashan doono dhaqangelinta oo ay qeyb ka noqonayaa Guddiga Warbaahinta ee loo xilsaarayo dhaqangelinta Xeerka Saxaafada oo dan u ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo oo la daah-furay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay 21kii Maarso 2016 gaareen deegaanka Wisil ee Bariga Gobalka Mudug kana qeybgalay munaasabada lagu daah furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo taas oo qeyb ka ah dhismaha waddada isku xirta Galkacyo iyo Hobyo. Gudoomiyaha Gudiga dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac ayaa sheegay in bulshada deegaanka ay gacan ka geysteen mashruucan. Madaxweynihii hore ee GalMudug S/gaas Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Dhismaha wadada ay fure u tahay dhismaha dakada Hobyo. Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyey bulshada is-xilqaankooda iyo ahmiyada ay siinayaan mashaariicda horumarineed, waxuuna sheegay in Dowladda ay kaalinteeda ka qaadan doonto.

Maxkamadda Sare ee Ciidanka oo dilayaashii Hindiya ku xukuntay Dil toogasho ah

Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 20kii Maarso 2016 xukun dil ah ku riday labadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax. Maxkamada ayaa u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay eedeysanayaasha kala ah; C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamee Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, kuwaasi oo maxkamadda darajada koowaad ay xukunno kala duwan ku riday 25-kii February, isla markaana xukunkaasi ka qaatay racfaan. C/risaaq Maxamed Barow iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo gacan ka geystay Dilka Marxuumadda ayaa Maxkamadda sare waxay labadooduba ku xukuntay dil toogasho sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Liibaan Cali Yarrow.

Ciidanka GalMudug oo 60 Maleeshiyaad Al-Shabaab ah dishay

Madaxweynaha GalMudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa 25kii Maarso 2016 sheegay in ciidanka GalMudug ay dhirbaaxo culus ku dhufteen argagixisada Al Shabaab dagaaladii ugu dambeeyay ee degaanka ka dhacay. “Waxaa cadowga dagaalkii ilaa shaley socday looga dilay ilaa iyo 60 maliishiyaad, iyadoo ilaa iyo 38 maxbuusna laga qabtey. Hubkii ay siteen laga furtey, waxaana u mahad celinayaa shacabka oo iyaguna door aad u weyn ka cayaaray inay dhulkooda u diidaan inuu cadowga sal dhigto’’, ayuu yiri Madaxweyne Guuleed. Degaanadda sida ba’an loogu jebiyay maliishiyada naf la caariga ah ee Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ah Dinooda, Jiray, Bali- Hawd iyo Galhagoog. Maliishiyaadka cadowga ku ah nabadda iyo horumarka ummadda ee Al Shabaab ayaa markii lagu jebiyay degaanka Puntland u soo baxsadey dhanka GalMudug, iyadoo ujeedkooda uu ahaa inay ku dhuumaaleystaan halkaasi, kadibna ay ka fuliyaan falalkooda arxan darrada ah ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ugu dambeyn u sheegay shacabka reer Galmudug in walow Al Shabaab lagu jebiyay degaanka Galmudug, haddana loo baahanyahay in gacan weyn laga geysto hawlgalka guud ee milateri ee dalka oo dhan looga xorreynayo Al Shabaab.

Wadatashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka oo lagu qabtay Cadaado

Wasaarada Qorsheynta Qaranka & Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka ayaa 23kii iyo 24kii Maarso 2016 Wadatashiyo la sameysey bulshada iyo Dowlad Goboleedka GalMudug oo ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya. Kulankan Wadatashiga labada cisho oo lagu cabtay Cadaado ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Qaranka & Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Qaloocow iyo saraakiil ka socotay Wasaarada, Wasiiro iyo xildhibaano ka socday GalMudug iyo qeybaha bulshada GalMudug. Ujeedada kulanka wadatashiga ayaa aheyd in la dhageysto fikradaha iyo tallooyinka bulshada ku nool GalMudug si Qorshaha Horumarinta Qaranka uu u noqdo mid ku yimid wadatashi iyo tallooyin laga soo aruriyey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

weekly6
weekly8
weekly4
weekly5
weekly4
3
weekly3
weekly2
weekly1
weekly
weekly9

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor