Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Adeegyada Caafimaadka oo la gaarsiiyey Gobolka Bakol, Dowladda oo deeq dawo ah ku wareejisey maamulka Khaatumo, Xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya oo la xoojinayo, Baarlamaanka oo ansixiyey Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha, Bilicda Caasimada Muqdisho oo sare loo qaadayo, Ciidanka Amniga oo degmada Jalalaqsi kula wareegay xarumo ay ku dhuumanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab qaar badana nolol ku qabtay, Jubbooyinka oo laga wado dadaal looga sifeynayo argagaxisada deegaanadaas, Hirgelinta Maamul Wanaaga oo si wanaagsan u socota, Baarlamaanka GalMudug oo doortay Madaxweynaha GalMudug.

Adeegyada Caafimaadka oo la gaarsiiyey Gobolka Bakol

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo wafdi ay hogaamineyso oo 8dii July 2015 gaaray magaalada Xudur ayaa halkaasi kulamo kula yeelatay Madaxda Maamulka Gobolka Bakool iyo mas’uuliyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Ujeedka socdaalka wafdiga Wasiirka Caafimaadka ayaa ah sidii ay ugu kuur geli lahayd xaaladaha nololeed iyo tan caafimaad ee ka jirta magaalada Xudur iyo deegaannada ku xeeran. Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo uu wehliyey Wasiirka Gaadiidka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa deeq dawo ah ku wareejisay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Bakool, waxaana ay kormeer ku bixisay xarumaha caafimaadka iyo kuwa hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla degmada Xudur ee gobolka Bakool. Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Xasan oo ka mahad celieyey deeqda dawadda ah ayaa sheegay in dhibaatooyin adeega bulshada ah ay haystaan shacabka degmada Xudur oo la xiriira caafimaadka, waxbarashadda iyo biyaha. Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed oo kashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay doonayaan in wax laga qabto adeegyada bulshada. Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa xustay in deeqda dawada ah ay gaarsiisay degmada Xudur, ay qayb ka tahay dawooyinka Wasaaradda Caafimaadku ugu talagashay in ay gaarsiiso gobollada dalka, waxaana ay intaa ku dartay in Wasaaradda caafimaadka ay wax ka qaban doonto adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin shacabka degamada Xudur.

Dowladda oo deeq dawo ah ku wareejisey maamulka Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa 7dii July 2015 deeq dawo ah waxaa ay ku wareejisay maamulka Khaatumo, waxaana wareejinta dawadan goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay deeqdan dawada ah isagoo sheegay in baahi weyn loogu qabo dawadan deegaanada maamulkaasi isla markaana muddo aad u dheer ugu dambeysay goboladaasi in la gaarsiiyo wax deeq ah. Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada hoos yimaada maamulkiisa ay ka jirto caafimaad daro aad u daran, waxuuna mas’uuliyiinta wasaaradda u balan qaaday in dawadan sida ay tahay loo gaarsiin doono dadka loogu talagalay. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in deeqdan ay qeyb ka tahay daawooyinka Wasaaradda Caafimaadka ay u qeybineyso gobolada dalka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya oo la xoojinayo

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 7dii July 2015 xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wafdi uu horkacayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Vijay Kumar Singh. Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada-hadley xoojinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India. Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya iyo India waxay muddo dheer ahaayeen laba dal oo aad isugu dhow. Booqashadaada waxay fursad u tahay dib u soo nooleynta xiriirkaasi iyo iskaashi cusub oo labada dal dhex mara.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka ayaa sidoo kale isku afgartey in labada dal ay yeeshaan iskaashi dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iskaashi dhinaca waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo lagu barto mihnadaha si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada iyo adeegyo kale oo muhiim ah. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Singh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada, isagoo dhanka kalena xaqijiyey in India ay diyaar u tahay intii karaankeeda inay caawiso Soomaaliya, si mar kale uu waddanku dib cagahiisa isu taago. Kulanka ayaa waxaa kale oo looga hadley xaaladda dad Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada India, kuwaas oo uu Madaxweynaha codsadey in degdeg wax looga qabto, dowladda India-na ay aqbashey. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India Mr Vijay Kumar Singh ayaa kulankaasi ku guddoonsiiyey Madaxweynaha warqad casuumaad oo uu ka sidey Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, kuna saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeybgalo shir madaxeedka iskaashiga Afrika iyo India oo bisha October ka dhici doona magaalada New Delhi. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Baarlamaanka oo ansixiyey Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee 6dii July oo ajendihiisu ahaa cod u qaadida xubanaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, iyo guddiga Xuduudaha & Federaalka. Qaabka cod qaadista oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa xubnaha baaralmaanka oo tiradoodu aheyd 187 ay ansixiyeen labadan guddi. Labadan Guddi ayaa muhiim u ahaa dhaqangelinta hiigsiga 2016, ansixintana waxey ka dhigan tahay in Dowladdu ay dooneyso in la dedejiyo sidii dalka doorashooyin uga dhici lahaayeen September 2016ka. Waa markii ugu horreysey oo guddiyo madax-bannaan la xayeysiisyo oo shacabka loo siiyey fursad oo intii soo dalbatay la marsiiyey nidaam furfuran oo cadaalad ah iyadoo ay guddi madax bannaan oo bulshada rayidka ah loo xilsaaray kala soo xulista xubnaha qaban kara xilalkan qaran. Ka dib ayaa Golaha Wasiiarada ay sii kala xuleen xubnihii la soo xulay oo ay 9 xubnood guddigiiba ka soo saareen. Sidoo kale baarlamaanka ayaa markii ugu horreysey guddiyo madax-bannaan u qaaday cod qarsoodi ah tanoo tuseysa sida ay Dowladda horumar ballaaran uga sameyneyso nidaamka dimoqraadiyada oo keenay in bulshadu ay kalsooni buuxda siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilicda Caasimada Muqdisho oo sare loo qaadayo

6dii July 2015 ayaa maamulka Gobolka Banaadir uu hirgeliyey Olole lagu hagaajinaayo wadooyinka islamarkaana dib loogu soo celinaayo bilicda magaalada Muqdisho, iyadoo lagu bilaabay wadada isku xirta Ex-control Afgooye ilaa Wadada Maka Al mukarama, halkaasi oo laga sameeyay olole carada iyo qashinka looga nadiifinayo wadada. Kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada ayaa kormeeray ololahaasi nadaafadeed sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa gudoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Waabari iyo Agaasimaha howlaha guud dowlada Hoose ee Xamar Sheekh Cumar Xuseen Maxamed. Ku simaha Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa digniin adag u diray dadka sida sharci darada ah laamiyada uga daadiya qashinka iyo wasaqda, uguna baaqay ganacsatada inay qashinka geeyaan baraha loogu talo-galay.

Ciidanka Amniga oo degmada Jalalaqsi kula wareegay xarumo ay ku dhuumanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab qaar badana nolol ku qabtay.

Ciidamada Ammaanka ee degmada Jalalaqsi oo howlgal lagu sugayo amniga ka sameynayey deegaanka ayaa 6dii July waxey toogasho ku dileen Saddex ka tirsan Dhagar qabayaasha UGUS kaddib markii ay isku dayeen weerar ay ku doonayeen in ay ku qalqalgaliyaan Ammaanka Degmadaasi. Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamuud Fiidoow ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan oo UGUS ka tirsan ay soo weerareen suuq ku yaalla dhinaca bari ee magaalada Jalalaqsi, halkaasna ciidamada Ammaanku ay ku toogteen saddex nin oo kooxda weerarka soo qaaday ka mid ahaa. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay in muddo ahba wadeen dadaalada xasilinta deegaanka oo ay ku guuleysteen inay kasbadaan kalsoonida shacabka bacdamaa ay si joogta ah uga hortagaan falalka argagaxisada ah oo ay doonayeen inay ka fuliyaan deegaanada Jalalaqsi.

Jubbooyinka oo laga wado dadaal looga sifeynayo argagaxisada deegaanadaas

Howlgalo balaaran oo looga soo horjeedo Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS ayaa ciidamada Maamulka Jubbaland waxay ka wadaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka, iyadoo maamulka Jubbaland uu sheegey in qorshaha howlgalada uu yahay in goobaha ay kaga harsan yihiin goboladaasi laga saaro Argagaxisada. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere ayaa sheegay in uu socdo abaabulka xoreynta deegaanada fara ku tiriska ee argagaxisadu ku harsanyihiin oo meel wanaagsan marayo. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in si isku mid ah abaabulkaasi uu ugu socdo guud ahaan deegaanada iyo degmooyinka hoos yimaada Maamulka Jubbaland. Dadweynaha ku dhaqan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa si wanaagsan ula shaqeeyey maamulka iyadoo ujeedada howlgaladu ay yihiin sidii loo ciribtiri lahaa argagaxisada. Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa feejignaan la galiyay, iyadoo si weyn u sugaya ammaanka kuwaa oo ka feejigan qataraha ay u maleegayaan umadda Soomaaliyeed Dhagar qabayaasha Al Shabaab, waxaana ciidamada lagu arkayaa iyagoo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Kismaayo.

Hirgelinta Maamul Wanaaga oo si wanaagsan u socota

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa 4tii July 2015 bilaabay kormeer howleed oo uu ku kala bixinayey dhammaan xarumaha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya. 4tii July ayuu ka bilaabay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda. Ujeedada kormeerka ayaa ah u kuurgalida habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala, iyagoo hirgelinaya maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxuu kulamo la qaatdanayey wasiirada, agaasimayasha, iyo shaqaalaha, isagoona mid-mid u booqday xafiisyada shaqaalaha oo xiligaas ku guda jiray shaqadoodii maalin laha ahayd. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay inuu arkay shaqaale niyad sami iyo fir fircooni iyo maamul wanaag ku howlgalaya, taasna waxay dhiiri galinaysaa in la hormariyo hay’adaha dowladda. Waxuuna sheegay in kormeerkan hadda ka dib uu noqonayo mid joogta ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ammaan u jeediyey ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo intii uu ku jirnay kormeerka si wanaagsan amniga u sugayey. Dhanka kale intii uu ku guda jiray kormeerka wuxuu ka dhagaystay warbixino Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha, waxayna u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka duruufaha ka jira Wasaaradahooda iyo horumarada ay sameeyeen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenku wuxuu balan qaaday inuu la tashi kala samaynayo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka jira golaha wasiiradda, warbixina ka siinayo waxyaalaha uu ku soo arkay wasaaraddaha oo qaarkood ku shaqeeya dhismayaal ay leeyihiin wasaarado kale. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ammaanay dadaalka maamulka iyo maareynta maaliyada sheegeyna in ay tahay wax lagu farxo in Soomaaliya oo maanta soo kabaneysa in nidaamka maaliyada uu yahay mid casri ah oo la jaanqaadi kara caalamka horumaray.

Baarlamaanka GalMudug oo doortay Madaxweynaha GalMudug

Baarlamaanka GalMudug ayaa 4tii July 2015 ku doortay Abdikarin Hussein Guled inuu noqdo Madaxweynaha Dowladda GalMudug ee Soomaaliya. Tartanka Madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa ahaa mid si toos ah looga soo tabinayey SNTV oo shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula socdeen. Tartankan ayaa ahaa mid si dimoqraadiyad ah u dhacay oo dhammaan lixda musharax ay muujiyeen wanaag aad u fara badan oo ay si dimoqraadiyad ah ay nidaamka doorashooyinka ugu hoggaansameen. Guddiga doorashada ayaa iyagana si habsami leh u soo agaasimay doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo runtii shacabka Soomaaliyeed gelisay rajo ah in nidaamka dimoqraadiyadda uu dalka si wanaagsan uga hirgeli karo. Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka GalMudug mudane Cali Gacal Casir oo si rasmi ah ugu dhowaaqay natiijada ayaa musharaxiinta ku ammaanay sida ay ugu hoggaansameen nidaamka doorashooyinka. Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya. Musharaxiinta oo ka hadlay goobta markii ay soo gabo gabowday ku dhawaaqista najiitada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka GalMudug, iyagoo ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo midnimada bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa loo dhaariyay xilka Madaxtinimada ee Galmudug, isagoo sheegay inuu Ahlu Sunna uu wadahadal la galayo isla markaasna uu amniga siin doono mudnaan koowaad.

Weekly1

Weekly8

Weekly7

Weekly9

Weekly

Weekly4

Weekly

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor