Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 13 February 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xarunta Taliska Booliiska Garoonka Diyaaradaha oo la casriyeeyey, Ciidanka Dowladda oo la wareegey deegaanka Biya-Cadde, Soomaaliya oo yeelatay Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Ciidamada Badda oo horumar ku tallaabsaday, Ciraaq iyo Soomaaliya oo xiriirka xoojinaya, Dekedda Hobyo oo la dhagax-dhigay, Dowladda Somalia iyo WHO oo heshiis kala saxiixday, Baarlamaanka oo ansixiyey in Soomaaliya ay ka mid noqoto Hay’adda Horumarinta Islaamka, Waddada isku xirta Dekedda iyo Madaxtooyada oo la dayactirayo, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo kormeeray xarumaha Ciidanka Booliska, Bandhiga Dhaqanka & Farshaxanka oo ka furmay Kismaayo, Boosaaso oo Olole Nadaafadeed xilliga habeenkii laga bilaabay iyo Shahaadooyin la guddoonsiiyey Ciidanka Booliska ee RRT.

Xarunta Taliska Booliiska Garoonka Diyaaradaha oo la casriyeeyey

Saldhiga Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde oo ay dhismihiisa gacan ka geysatay Qaramada Midoobay ayaa 6dii Feberaayo taliska AMISOM waxa ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib xaflad ka dhacday xaruntaas. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo furitaanki saldhiggaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in saldhigani uu wax muuqda ka qaban doono ammaanka guud ee garoonka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga C/naasir ayaa uga mahadceliyay intii gacanta ka geysatay dhismaha saldhigaasi, isagoo shaaciyay in la adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda oo la wareegey deegaanka Biya-Cadde

Cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS oo kaashanaya AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa 11kii Feberaayo 2016 si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Biya Cadde oo ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Malleeshiyaadkii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa isaga cararay deegaankaasi kadib markii ay ciidamadu halkaasi u ruuqaansadeen, iyadoo ciidamadu ay si nabadgelyo ah ula wareegeen deegaanka Biyo Cadde oo 45 kiilo mitir dhanka waqooyi bari uga beegan degmada Jowhar, halka degmada Mahadaayna ay 28 kiilo mitir uga toosantahay jihada bari. Ciidamada ayaa halkaasi ka wada baaritaanno ay ku xaqiijiyaan ammaanka deegaankaasi, iyagoo bariisimo ka sameystay duleeddada tuuladaasi.

Soomaaliya oo yeelatay Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Munaasabadda daahfurka siyaasadda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa 7dii Feberaayo 2016 lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo safiirada caalamka ee jooga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Siyaasadda Dibedda ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo shaqeeyey khubaro Soomaaliyeed, isla markaana diyaarinteedu muddo socotay ayaa waxaa sharaxaad dheer ka siiyay kaqeybgalaayasha madasha marxaladaha ay soo martay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo sheegay in qiima weyn ay ugu fadhiso Soomaaliya. Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabad-gelyada iyo ammaanka qaran ee heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ka qeybgal rasmi ah laga sameynayo diblomaasiyadda laba geesoodka iyo midda dhinacyada badan oo uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirigelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara.

Ciidamada Badda oo horumar ku tallaabsaday

Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa 10kii Feberaayo 2016 ku dhiirigeliyey Ciidamada Badda inay dardargeliyaan horumarka ay ku tallaabsadeen si ay u ilaaliyaan hantida ummada iyo kheyraadka Badda ku jira. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka qayb-galay xaflad lagu xusayey sanad guuradii 51aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Badda iyo Difaaca ee XFS, taas oo ay ka soo qayb-galeen Golaha Wasiiradda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo hoggaanada kala duwan ee Ciidamada dalka. Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka ayaa xusay in xukuumaddu masuuliyad gaara iska saari doonto una taagan tahay tayada iyo daryeelka ciidamada, isagoo si gaara u xusay in laga wada qayb-qaato isbadalada socda ee dhinaca horu-marka, sharciga ciidankana la dhamaystiro.

Ciraaq iyo Soomaaliya oo xiriirka xoojinaya

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq Ilyaad Calaawi ayaa soo gaaray Muqdisho oo uu kulamo la qaatay Madaxda Qaranka dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Wafdiga uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku xigeenka Ciraaq iyo madaxda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka siyaasadeed, kan diblomaasi iyo kan wadashaqeynta dhanka amniga gaar ahaan la-dagaalanka kooxaha argagaxisada ah. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq ayaa kulamadaas goob joog aheyd. Dowladda Ciraaq ayaa ballanqaaday inay taageero siin doonto dhismaha Isbitaalka dhalaanka iyo caruurta iyo mashaariic kale.

Dekedda Hobyo oo la dhagax-dhigay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa iyo Madaxweynaha GalMudug Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed ayaa 06dii Feberaayo 2016 si wada jir ah u dhagax dhigay Dekada Magaalada Hobyo ee Gobolka. Madaxweynaha GalMudug ayaa ku dhawaaqay in Dekada Hobyo ay furantahay oo shaqadeeda billaaban doonto. Dekedda Hobyo ayaa noqon doonta ilo dhaqaale oo GalMudug ay si aad ah ugu baahanyihiin, isla markaasna dadka deegaanka GalMudug ay heli doonaan adeegyadii ay ka doonan jireen dekedaha kale ee dalka. Sidoo kale Dekedda Hobyo waxey abuuri doontaa shaqooyin oo dhalinyarada intood badan siin doonta fursado shaqo oo dhaqaalaha GalMudug kobcin doona.

Dowladda Somalia iyo WHO oo heshiis kala saxiixday

11kii February 2016 ayaa shir mudo sadax maalmood ah ka socday magaalada Nairobi lagu soo gabogabeeyey. Shirka ka dib ayaa Dowladda Somalia iyo WHO waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis labo sano ah oo lagu horumarinayo Caafimaadka Dalka Soomaaliya. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Madaxa WHO ee Soomaaliya Dr. Ghulam Popal Rabani ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu horumarinayo laguna taageerayo caafimaadka dalka soomaaliya, gaar ahaan ka hortagga cudurada leys qaadsiiyo sida AIDS-ka. Wasiika Caafimadka ee Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa waxa ay sheegtay in heshiiskani uu ku yimid wada hadal lala yeeshay dowlad gobaleedada, dadka caafimaadka ka shaqeeya, dhaqaatiirta Dowlada dhexe iyo qof walba oo howl ku lahaa adeegyada Caafimaadka iyadoo la aruuriyey Xog ku aadan baahida dhanka caafimaadka oo ay qabaan ummadda Soomaaliyeed, taas ayaana suurtogelisay heshiiskan. Wasiirada ayaa sheegtay in Dowladdu ay muhimad gaar ah siisay 5-qodob oo ay ka mid yahiin Cudurada la iska qaado sida Jadeecada iyo Dabeysha, waliba waxan aad xooga loo saarayaa talaalada ilmaha marka ay yaryihiin.

Baarlamaanka oo ansixiyey in Soomaaliya ay ka mid noqoto Hay’adda Horumarinta Islaamka

Barlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 6dii Feberaayo meelmariyay ka mid noqoshada Hay’adda Horumarinta Islaamka. Kalfadhiga 7aad kulankiisa 32aad ee baarlamaanka oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ugu horeyn guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay sharuucda baarlamaanka horyaalla ee maray akhrinta kowaad, labaad iyo seddexaad, waqtiga la xirayo kalfadhiga baarlamaanka oo dhawaan ay soo diyaariyeen guddiyada joogtada ah iyo in la dhameeyay dib u eegista dastuurka oo baarlamaanka la horgeyn doono 15-ka bishan aynu ku jirno. Intaas kadib Xildhibaanada ayaa cod gacan tag ah ku meelmariyay in Soomaaliya ay ka midnoqoto Hay’adda Islaamka Horumarinta, waxaana haa ogoalatay 140 Xildhibaan, iyadoo ay diideen labo Xildhibaan, hayeeshee ma jirin cid ka aamustay sida u sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waddada isku xirta Dekedda iyo Madaxtooyada oo la dayactirayo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa 9kii Feberaayo 2016 dhagax dhigay waddada Horumarta inta u dhexeysa Dekada Muqdisho iyo Madaxtooyada oo aad u burbursan isla markaana la doonayo in dib u dayactir lagu sameeyo. Dib u dayac tirka Waddadan waxa ay muhiim u tahay Gadiidleyda dekada Muqdisho Alaabaha ka soo qaada sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir Axmed Cismaan Dhoorre. Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Xalane ayaa ugu baaqay Bulshada inay ka qeyb qaataan dhismaha iyo Dayactirka waddooyinka Sidaan oo kale ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in mashruucaan lagu dhisayo waddada Horumarta Dekada Muqdisho ilaa madaxtooyada Qaranka ay tahay mashruuca dalkaaga dhiso qof-kastana looga baahan yahay in uu dib u dhiska dalka ka qeyb qaato.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo kormeeray xarumaha Ciidanka Booliska

Ra’iisul ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 8dii Feberaayo 2016 kormeeray dhowr xarumood oo ay ciidamada booliska ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan booliska waxey kormeer ku tegeen xarunta gaadiidka ciidanka booliska, xarunta taliska ciidanka booliska, qebta miino baarista ciidanka booliska, taliska gobolka ee ciidanka taraafikada iyo qeybta guud ee taliska Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ah xarumaha ay ku howgalaan ciidanka booliska. Taliyaha Booliska ayaa dowladda ka codsday in ilgaar ah lagu eego dhalinyarada aqoonta heerka Jaamacadeed leh ee ka tirsan booliska. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in la xoojin doono tababbarada la siinayo ciidanka booliska, isagoo xusay in booliska uu yahay baraaaraha shacabka.

Bandhiga Dhaqanka & Farshaxanka oo ka furmay Kismaayo

08dii Feberaayo 2016 waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmay dabaal dag dhaqan iyo farshaxan oo soconaya mudo todobaad ah. Ololahan ku wajahan dib-u soo noolaynta dhaqanka iyo farshaxanka ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee Jubaland iyo Xafiiska Duqa magaalada Kismaayo. Wasiirka Warfaafinta Jubaland mudane Cabdinur Cali Aadan ayaa si rasmi ah u furay maalintii ugu horeysay bandhig faneed iyo cayaaro isboorti oo lagu soo bandhigay xarunta cayaaraha ee xaafadda Calanley, Degmada Kismayo, waxaana uu halkaas kula hadlay ka soo qeyb galayaal badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo. Mudane Cabdinur Cali Aadan ayaa intaa ku daray in barnaamijkani yahayn damaashaad iyo xus soconaya mudo todobaad ah oo loogu talo galay in dib loogu soo nooleeyo, laguna soo bandhigo hiddihii qurxoonaa ee Ummadda, dhaqankii sareeyay ee magaalada Kismaayo iyo xirfadii farshaxan ee dhalinyarada deegaanka.

Boosaaso oo Olole Nadaafadeed xilliga habeenkii laga bilaabay

Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa laga bilaabay olole nadaafadeed oo xilliyada habeenkii ah, kaasi oo looga gol-leeyahay sidii loo hagaajin lahaa bilicda magaalada. Ololahan ka bilowday xaafadaha magaalada Boosaaso ayaa maamulka Gobolka Bari waxa ay ku sheegeen inay tahay mid lagu xoojinayo bilicda magaalada, waxaana ay intaa ku dareen in maalinkii ay dadku shaqo ku mashquulsanyihiin howlahooda shaqo, balse habeenkii ay isla garteen in la xoojiyo ololaha nadaafadeed ee dib loogu soo celinayo bilicdii ay magaaladu lahayd. Maamulka Gobolka Bari waxa ay bulshada magaalada ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan ololaha nadaafadda, isla markaana ay qashinka ka ilaaliyaan meelaha ay ku shubayaan, si dadka howsha nadaafadda ku howlan ay ugu sahlanaato.

Shahaadooyin la guddoonsiiyey Ciidanka Booliska ee RRT

Safiirka Ingiriiska ayaa Shahaadooyin guddoonsiisay Ciidan sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo loogu yeero RRT kadib markii uu u soo dhammaaday tababar muddo u socday 7dii Feberaayo 2016. Munaasabad ay ka wada qaybgaleen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheikh iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Marwo Harriet Mathews ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho 7dii Feberaayo 2016 isla markaasna lagu guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin la xiriira tababarada ay soo qaateen Ciidankaan gaarka ah oo ay dhismihiisu ku caawisay Dowladda Soomaaliya Dowladda Ingiriiska.

DHAMAAD 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected] 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor