Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay 16 May 2015

Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay<-

Mogadishu, 16 May 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo Baarlamaanka uga jawaabay su’aalo, Dar-dargelinta isku dhafka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo socda, Dar-dargelinta Maamul u sameynta Gobollada Dhexe, Dambiilayaal Argagaxiso ah oo dil toogasho lagu fuliyey, Xarun Tababarka Ciidamada oo xariga laga jaray, Qorshaha Xasilinta Dalka oo si wanaagsan u socda, Shaqo abuuris loo sameynayo gabdhaha iyo Dar-dargelinta Dhaqangelinta Nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo Baarlamaanka uga jawaabay su’aalo

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Bashir Ciise Cali ayaa hortagay Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo xildhibaannada ay weydiiyeen Su’aallo la xiriira howlaha Bankiga. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa guddoomiyaha Bankiga dhexe la weydiiyay sababaha uu u soo daaho mishaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada Qalabka sida, lacagaha faalsada ah ee dalka ku jirta, sababta loo soo saari la’yahay lacaga shilin Soomaali ah oo dalka yeesho, iyo su’aallo kale. Guddoomiyaha Bankiga dhexe Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay inay mararka qaarkood mishaaraadka shaqaalaha Dowladda uu daaho, isla markaasna ka digey lacagaha sharci darada ah, sheegayna in Bankiga dhexe uu qorsheynayo in laga hortago, waxaana cid kasta uu ugu baaqay in arinkaasi ay ka hortagto. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka iyo maareynta Maaliyadda Dalka la horumariyey lana casriyeeyey. Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Baarlamaanka sida ay u doonayaan inay u hirgeliyaan nidaamka dimoqraadiyadda ee ku dhisan isla xisaabtanka oo uu sheegay inay tani horumarineyso adeegyada muhiimka ah ee Dowladdu u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Dar-dargelinta isku dhafka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo socda

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa 13kii May 2015 kulan dar-daaran iyo dhiirgelin isugu jira la qaatay guddiga isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dhawaan magacowday Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana isugu jira aqoon-yahano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha ciidamada muddo dheerna kasoo shaqaynayay, kana kooban qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale, waxaa kulanka ku weheliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xaggaa iyo masuul ka socday IGAD. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa u sheegay xubnaha guddiga isku dhafka ciidamadda in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba ay ka sugayaan ciidan isku dheeli tiran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubin walba oo ka mid ah guddigan ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta iyo gaarista howlaha muhiimka ah ee loo xil saaray. Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in la isku dhafo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya, si loo helo ciidan leh tayo sare oo matalaya Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay xubnaha guddigan ee ka kooban 15ka xubnood ay booqan doonaan maamullada ka jira Soomaaliya.

Dar-dargelinta Maamul u sameynta Gobollada Dhexe

Wasiirka Arimaha Gudaha & Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo Wasiirka Qorshaynta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynta ayaa kulamo looga hadlayay dar dargelinta howlaha maamul u sameynta gobolada Dhexe la qaatay guddiga farsamada ee maamul u samenta goboladaasi iyo odoyaasha dhaqanka. Wasiirrada ayaa kulankooda ugu horeeya la qaatay guddiga farsamada oo ay kala hadleen sida ay u socota soo xulidda ergooyinka ka qeyb galaya shirka iyo dar dargelinta habsami u socodka shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe, iyadoo Wasiiradu ay warbixinno ka dhageysteen xubno ka tirsan guddiga farsamada ee maamul u sameyynta gobolladaasi. Wasiirada ayaa sidoo kale kulan la yeeshay odoyaasha dhaqanka oo ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ku saabsan kaalinta odoyaasha uga aadan shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Wasiirada Arimaha Gudaha & Federaalka iyo Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah ayaa u tagey Cadaado si ay ugu kuurgalaan xaalada qorshaha maamul u sameynta ee socda, waxeyna ku ammaaneen guddiga farasamada iyo Madax Dhaqameedkaba dadaaladooda ku aadan sidii dadka deegaanka ay aayahooda uga tashan lahaayeen.

Dambiilayaal Argagaxiso ah oo dil toogasho lagu fuliyey

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 13kii May 2015 xukun dil ah ku fulisay Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ka dambeeyay dilal dhowr ah oo loo geystay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey u balan qaaday in xukunno dil ah lagu fulin doono maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxda Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed (UGUS), kuwaasi oo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed. 6-dii April ayay ahayd markii maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ah Maxkamadda ku riday xukun dil ah, markii xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay dilal dhowr ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo ka mid ahaanshiyaha ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS. Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa ku eedeysay raggan inay horey u dileen:- Ex-Xildhibaan Saado Cali Warsame, Ex-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, Ex-Xildhibaan Aadan Maxamed Cali “ Sheekh Aadan Maddeer”, Axmed Odawaa Baale iyo Maxamed Axmed Maxamed (Qaanuuni) oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda Qaranka.

Xarun Tababarka Ciidamada oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12kii May 2015 si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya. Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka. Sidoo kale Madaxeynaha ayaa sheegey inay tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqbaley dalabkeena, ayuu yiri Madaxweynahu. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ay Isutagga Imaaraadka Carabta kala hadleyso mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo la shaacin doono marka la isku afgarto qaabka loo fulinayo. Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku faraxsan tahay inay kaalin ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, gargaarka aadminimo, dib u dhiska kaabeysaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale. Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa barbar-socotey qalinjebinta ilaa 300 askari oo muddo afar bilood halkaasi tababar ku qaadanayey. Dhalinyarada uu tababarka u dhammaadey ayaa halkaasi ku soo bandhigey qaar ka mid ah xirfadaha casriga ah ee ay barteen.

Qorshaha Xasilinta Dalka oo si wanaagsan u socda

Howl-gal bilowday 12kii May 2015 ayey ciidamadda Nabadsugidda Qaranka ka fulliyeen xaafaddo ka tirsan dagmadda Hodan oo ay ka mid ahaayeen carwadii hore ee Taleex, Afrikan Village iyo Al Baraka. Ujeedada Howlganka ayaa ahaa baadi goobka maleeshiiyaad dilalka qorsheysan ka fuliya gudaha magaalada Muqdisho. Intii uu socday howlgalkani ayey Ciidamadu waxey mid mid u baarayeen guryaha xaafadaha, ayadoo lagu soo qabtay howl-galkan nin la tuhmayo inuu ka tirsanyahey dhagar-qabayaashii 11kii May dhawaca u geystay masuulkii ka tirsana Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha. Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in howlagalkan lagu bartilmaameedsanayey goobo cayiman oo lagu tuhmayey iney ku dhumaaleysanayeen dhagarqabayalka dilalka qorsheysan Muqdisho ka fulinayey oo ay ka mid ahaayeen raggii dhawacyada u geystay Farxaan Maskaro iyo masuulkii Haya’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ka tirsan, waxaana lagu soo qabtay howlgalkani dhagar qabe lagu tuhmayo inuu ka mid ahaa ragi shaley dhawacay masuul-ka. Sidoo kale afhayeenka ayaa shacabka uga mahad celiyay kaalinta ay ka geysanayaan sugidda ammaanka iyo wada-shaqeynta kala dhaxaysa hay’adaha ammaanka. Haya’adaha amniga Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamadda nabad illalinta Middowga Africa ee AMISOM ayaa waxey labo jibbaareen Howlgalladda ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaleysanaya magaalada.

Shaqo abuuris loo sameynayo gabdhaha

Mashruuc shaqo lagu siinayo gabdhaha ka qalin jebiyay jaamacadaha ayaa 13kii May 2015 laga furay magaalada Muqdisho. Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Dalladda Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay in la suurtogeliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan shirkadaha, hay’adaha, goobaha waxbarashada, dowladda iyo guud ahaan inta shaqooyinka bixisa. Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay daraasad ka hadleyso heerka shaqo-helista ee gabdhaha jaamacadaha ka baxay, waxaana daraasadda lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waaweyn ee gabdhaha ka haysta inay shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir la leh, kuwo la xiriira shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay website la yiraahdo fursad.so oo loogu talo galay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay ku soo bandhigan karaan CV-gooda, sidoo kale shirkadaha iyo hay’adaha shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo siiyaan. Waxaa sidoo kale daaha laga rogay nidaam farriin qoraal ah (SMS) oo dadka shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha iyo hay’adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo yaqaano. Intii ay xafladdu socotay illaa 3 shirkadood ayaa ballanqaaday inay shaqaaleysiin doonaan qaar ka mid ah gabdhaha ka soo qalinjebiyay jaamacadaha. Aweys Sheekh Xaddaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay inay muhiim tahay dowladdu u dooddo xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya shirkadaha iyo hay’adaha. Wuxuuna sheegay inay sameyn doonaan sharciyo dhiirrigelinaya in gabdhuhu ay shaqooyin helaan.

Dar-dargelinta Dhaqangelinta Nidaamka Federaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka ayaa 11kii May 2015 u furay 26 qof oo ka tirsan Howl wadeenada Wasaarada Arimaha Gudaha & Federaalka, kuwaas oo ka kala socda gobolada laga saaray kooxda nabad diidka ah ee UGUS isla markaana wasaaraddu u qaadatay in ay deegaanada ay ka soo jeedaan gaarsiiyaam adeegyada bulshada iyo dhaqangelinta nidaamka Federaalka. Afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha & Federaalka Cabdifitaax Daahir Mire ayaa ka waramay u jeedada tababarkan sheegeyna inuu ku saabsanaa dhaqangelinta Federaalka iyo xasilinta dalka oo loogu talagay howl wadeenada cusub oo kala ah xiriiyaasha bulshada deegaanka iyo kaaliyeyaasha dib-u-heshiisinta iyo maamulka deegaanka ee degmooyinka dib loola wareegay ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Federaalka, Dr Ismaacil Jimcaale Calasow oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaarada aysan ku ekaan doonin deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada UGUS balse gobolada dalka oo idil la doonayo in dadka ku nool laga dhaadhiciyo ahmiyada ay leedahay dowladnimada. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xaaji Cali Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in Wasaarada ay la xisaab tami doonto howl wadeenada loogu talogalay in ay ka howl galaan deegaanada iyo degmooyinka laga xoreeyay Maleeshiyaadka UGUS. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaanahan waday qorshayaal lagu horumarinaayo degmooyinka iyo gobolada dalka iyo in sidoo kale dadka la gaarsiiyo nidaamka dowladnimada si sanadka 2016-ka uu dalka loogu qabto doorasho Xor ah oo ay ka wada qeybqaatan dhamaan muwadiniinta Soomaaliyed ee ku nool guud ahaan Dalka.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Weekly6

Weekly5

Weekly

Weekly1

Fursad0

Fursad1

Weekly7

Weekly2

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor