Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 23 January 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dufcadii 3aad ee Ciidanka Kumandos-ka oo tababar loo soo xiray, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo dhiirigeliyey Barnaamijka Aada Dugsiyada, Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Beledweyn, 432 ardey ka qalinjebisay Jaamicadda SIMAD, Wasiir Maareeye oo dhagaxdhigay xarunta Raadyaha iyo TV-ga Koofur-Galbeed, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sh/Hoose oo xilka la wareegey, Todobaadkii Xuska Qorista Farta Soomaaliga oo la soo gebagebeeyey, Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xarunta Akademiyadda Cilmiga, Dhanqanka, Fanka & Suugaanta, GalMudug oo lagu wareejiyey Hub iyo ciidan, Maamulka Koofur-Galbeed oo lagu wareejiyey gaadiid, Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo Kismaayo lagu soo gabogabeeyey, Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo furmay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur-Galbeed oo la caleemosaaray.

Dufcadii 3aad ee Ciidanka Kumandos-ka oo tababar loo soo xiray

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 20kii Janaayo 2016 Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya. Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka. Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida ay mar walba ay taageerada hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed. Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Muxammad Al Othman. Munaasabaddan qiimaha leh, ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo dhiirigeliyey Barnaamijka Aada Dugsiyada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa 17kii Janaayo 2016 ka qayb galay Munaasibad Balaaran oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, taas oo taageero loogu muujinayey horumarinta Barnaamijka Aada Dugsiyada (Go to School). Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha G/Banadir ayaa munaasabada goob joog ahaa. Ugu haroyntii Ra’iisul ku xigeenka Dalka ayaa ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed iney u istaagan xoojinta iyo adkaynta Qorshaha Aada Dugsiyada oo ay ka faa’iidaysteen shan dugsi oo qaarkood ay ku jiraan Caruur Agoon ahi. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo had iyo jeer hormuud u ah hawlaha Horumarinta dalka, isla xisaabtan iyo hirgelinta Dawlad Wanaaga ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada oo uu ku amaanay hirgelinta Barnaamijka Aada Dugsiyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo gaary Beledweyn

Wafdi uu hogaaminaayo Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa 21kii Janaayo 2016 magaaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan uga qaybgalay Munaasabad lagu sii sagootinayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabuuti, kuwaas oo waqtigoodu dhamaaday islamarkaana lagu soo baddali doono Ciidamo kale oo jabuuti ka socda si ay qayb uga sii noqdaan hawlgalka AMISOM. Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa aad u amaanay shaqadii ay dalka ka qabteen Ciidanka Hiil Walaal ee Jabuuti. Wasiirka Gaashaandhiga Dalka jabuuti oo wafdi uu hogaaminaayo ay ka soo qaybgaleen Munaasabadaasi sagootinta ah ee Ciidanka Jabuuti kaas oo sheegay in ujeedadu tahay in marwalba ay Jabuuti garab istaagto Walaalahooda Soomaaliyeed taasna ay ka go’an tahay. Rasiul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ugu dambeyn ka hadlay Munaasabada ayaa dhankiisa bogaadiyay doorka Ciidanka Jabuuti ee soo celinta amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

432 ardey ka qalinjebisay Jaamicadda SIMAD

Dufcadii 11aad ayaa 20kii Janaayo 2016 ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, ayadoo xafladda loo sameeyay ardaydan ay ka qeyb galeen masuuliyiinta ugu sarreysa jaamacadda, waalidiin, wakiilo ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha Maleysia iyo marti kale. Ardayda oo ah 432 ayaa ka qalin jabisay lix takhasus oo ka ka tirsan kasmooyinka culuunta maamulka, culuumta bulshada, dhaqaalaha iyo kombuyuutarka. Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay masuuliyiinta ka soo qeyb gashay xafladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda Dr. Cabdiraxmaan Saalax “Muhaylaan”, Sheekh Maxamed Al-Khamiis, Agaasimaha Direct Aid Sheekh Xasan Badawi iyo masuuliyiin kale. Dr. Cabdiraxmaan Saalax Al-Muhaylaan, guddomiyaha gudiga sare ee jaamacadda ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo dadkeeda ay guul u tahay in la helo dad waxbartay oo dalkooda samata bixiya.

Wasiir Maareeye oo dhagaxdhigay xarunta TV-ga Koofur-Galbeed

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa 19kii Janaayo 2016 magaalada Baydhabo dhagax dhigay xarunta TV-ga iyo Idaacadda maamulka Koonfur galbeed. Xafladda dhagax dhiga waxaa ku sugnaa Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Koonfur-Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale. Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay shacabka koonfur galbeed in ay ka qeybqaataan dhismaha xarunta TV-ga iyo Idaacadda si ay u noqoto xarunta dadka hanuunisa. Wasiirka ayaa ganacsatada iyo qurba joogta reer Koonfur-Galbeed ugu baaqay in ay xarunta TV-ga iyo Idaacada ku dhistaan iskaa wax u qabso isagoo jeebkiisa ka bixiyey deeqdii ugu horeysay si ay ugu daydaan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sh/Hoose oo xilka la wareegey

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax, ayna ka qeyb galeen Odoyaasha dhaqanka, saraakisha ciidanka qalabka sida, haweenka, culimaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa 18kii Janaayo 2016 lagu qabtay degmada Afgooye. Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, iyagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan, waxayna amaan u jeediyeen gudoomiyihi hore ee gobolka. Guddoomiyihi hore ee gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka codsaday qeybaha bulshada inay la shaqeeyaan maamulka cusub, isagoo dhankiisa xusay in uu la shaqeynayo. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in uu xoogga saari dono ka shaqeynta amniga, isagoo ka codsaday in gacan lagu siiyo gudashada waajiabadka loo idmaday.

Todobaadkii Xuska Qorista Farta Soomaaliga oo la soo gebagebeeyey.

21kii Janaayo 2016 ayaa Xuskii 44aad ee qorista afka Soomaaliga iyo kii 43aad ee hirgelintiisa iyo markii ugu horeysay ee Wasaaradda Warfaafintu soo saartay Wargeys ku qoran afka Soomaaliga oo ay soo qabanqaabiyeen guddi ay hogaaminayaan Wasaaradda Waxbarashada Hindaha iyo Tacliinta iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka. Muddo toddobaad ah ayey Dowladdu waday barnaamijyo taxano ah oo lagu weyneynayo maalinta qoriska farta Soomaaliga. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo xaflada ka qeybgalay ayaa sheegay in ummad kasta ay horumar dhan kasta ah ku gaari karto marka ay xoogga saarto adeegsiga luqaddeeda iyo dhaqankeeda. Xaflada ayaa lagu qabtey Xarunta Akademiyadda Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa yiri “Qorista farta Soomaaliga waxay ka mid tahay guulaha ay Soomaalida ku faani karto.” Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee jira ay diyaar u yihiin in la xoojiyo afka Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo muhimadda afka uu u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xarunta Akademiyadda Cilmiga, Dhanqanka, Fanka & Suugaanta

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21kii Janaayo 2016 waxaa xafladda maalinta qorista Afka Soomaaliga ka hor uu si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Akademiyadda, Cilmiga, Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo dib loo dayactiray dagaalladii sokeeye kadib. Munaasabadda 21-ka January, waxaa iyana ka soo qeybgaley hadalana ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid ahayd Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Drs Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir Ku-Xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Muumino Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

GalMudug oo lagu wareejiyey Hub iyo ciidan

18kii Janaayo 2016 ayaa Wafdi uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Galmuudg waxa ay kormeer ku tageen deegaanno hoostaga dagmooyinka xarardheere iyo Hobyo ee Gobalka Mudug halkaasi oo dhawaan uu dagaal ku dhaxmaray dad xoolo dhaqata iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Xubnaha Wasaaradda Amniga Galmudug ka socday ayaa kormeerka kadib tira gaadiid ah iyo ciidama kala wareegay Maxamed Cismaan Garfaaje oo horjooga u’ahaa gadiid iyo ciidamo qabaa’il horayna uga mid ahaan jiray kooxihii burcad badeed Soomaalida ee fariisimaha ku lahaa xeebaha Gobalka Mudug. Wasiirka ayaa kamahd celiayay hubka ay kala wareegeen Garfaaje wuxuuna sheegay in Hubkaan iyo ciidamda ay galeen gacan masuuliyadeed. Maxamed Garfaaje ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay furayaashii in kabadan 10 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo gaaraya ilaa 300 oo kuwaasii oo ahaa maleeshiya beeleedkii horay usaarnaa Gadiidka maanta la wareejiyay.

Maamulka Koofur-Galbeed oo lagu wareejiyey gaadiid

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Othman ayaa 18kii Janaayo 2016 ku wareejiyey 10-baabuur oo isugu jirta Gaadiidka Ciidanka, Ambalaas, hal gaari oo Booyad ah iyo hal gaari oo ah nuuca aysan rasaasta karin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Danjire Maxamed Axmed Al-Othmaan oo ugu horeyn saxaafadda kula hadlay Xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaadidka maanta ay ku wareejiyeen Maamulka Kooofur galbeed uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab tagaantahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta gaadiidka ay ku wareejisay oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan tayeynta iyo dib y dhiska Ciidanka Koofur Galbeed.

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo Kismaayo lagu soo gabogabeeyey

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa 17kii Janaayo 2016 la soo gaba gabeeyay, iyadoo lagu balamay kulamo kale. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke R/wasaaraha dalka ayaa sheegay in shirka la soo gaba gabeeyay, isagoo xusay in dib loo balamay, waxaana uuna tilmaamay in Xukuumaddiisa ay dib ka soo sheegi doonto waqtiga la isku soo laaban doono. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka, R/wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ka qeybgalay shirkan oo maalmo socday oo ay uga arransanayeen nooca doorasho ee dalka laga hirgelin karo marka xilliga Dowladda Federaalka uu dhamaado.

Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo furmay

Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa 17kii Janaayo 2016 waxa furay Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana munaasabadda furitaanka ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir labadiisa ku-xigeen iyo Xildhibaanada oo ka soo laabtay fasax laba bilood ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in kalfadhigan labaad ay Baarlamabka horyaalaan hawlo badan oo dhinaca sharciyada iyo maamulkaba ku saabsan, loona baahanyahay in Xildhibaannada ay soo xaadiraan kalfadhiyada Baarlamaanka Galmudug. Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay mudadii Baarlamanku fasaxa ku jiray Xukuumaddu ay qabatay hawlo badan, waxaana uu guul u rajeeyay fadhiga 2-aad ee Baarlamanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur-Galbeed oo la caleemosaaray

19 Janaayo 2016 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Baydhabo oo lagu caleemo saarayey Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Koofur-Galbeed. Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya, Madaxweynaha GalMudug, Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka sida IGAD, Kenya, UNSOM iyo kuwa kale ayaa goob joog ka ahaa kulanka. Sidoo kale waxaa xaflada goob joog ahaa xubnaha labada gole ee Koofur-Galbeed, Odayaasha Dhaqanka, iyo qeybaha bulshada ee Koofur-Galbeed.

MAANTA 3 MAANTA 4 MAANTA1 MAANTA10 MAANTA11 MAANTA12 MAANTA12 MAANTA10 MAANTA12 MAANTA13 MAANTA2 MAANTA5 MAANTA7 MAANTA9

DHAMAAD 
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected] 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor