Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 09 January 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo xariga laga jaray, Baarlamaanka Koofur-Galbeed oo doortay Guddoomiye, Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay askari, Booliska oo fashiliyey weerar Al-Shabaab ay saldhiga booliska Heliwaa ku soo qaadeen, Howlgal ciidan oo laga sameeyey degmada Afgooye, Dowladda oo daah furtay Isbitaalka Guud ee Balanballe, Madaxweynaha Puntland oo dhagaxdhigay mashaariic laga hirgelinayo Boosaaso, Soomaaliya oo fulineysa Himilooyinka Horumarka Waara ee 2030, Saldhiga Booliska Degmada Kaxda oo xariga laga jaray, Warshada labiska Ciidanka oo la dhagax dhigay, Deeq Qalab Dhisme la gaarsiiyey dhismaha xarunta Wasaaradda Howlaha Guud, Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasi u jartay Iran iyo Arday ka qalinjabisey Jaamicadda Hormuud.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo gaaray 7dii Janaayo 2016 magaalada Boosaaso ayaa 8dii Janaayo 2016 ay si wada jir ah isaga iyo Madaxweynaha Puntland xariga uga jareen Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo si caalami ah loo dhisay. Madaxweynaha Puntland, maamulka iyo shacabka Puntland ayaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo qeybgalo xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso oo uu xariga ka jaro. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay Dr Cabdiweli iyo maamulka Puntland dadaalka ay u galeen in mashaariic horumineed laga fuliyo deegaanada Puntland, kuna dhiiri geliyey inay sii wadaan dadaalkooda isla markaasna caddeeyey in Dowladda Federaalka ay gacan weyn ka geysan doonto waxii karaankeeda ah eek u aadan mashaariicda horumarineed ee dalka.

Baarlamaanka Koofur-Galbeed oo doortay Guddoomiye

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya ayaa 3dii Janaayo 2016 kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa guddoomiye u doortay Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, kaddib markii uu ku guuleystay codeynta doorashadii halkaasi lagu qabtay. Shirka Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha KMG ah ayaa waxaa xilka guddoomiyaha u tartamayay labo musharax oo kala ah Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Cali Xasan Cismaan, waxaana shirka soo xaadirtay 142 mudane. Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa markii la galay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye waxa uu helay 109 cod, halka musharaxa la tartamayay Cali Xasan Cisaman uu isna helay 33 cod, sidaasina waxaa guddoomiyaha baarlamaanka ee Koonfur-Galbeed noqday Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay askari

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugidda, kaasi oo horey u dilay qof rayid ah. Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in taariikhu marki ay ahayd 04/07/2015 ay maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida ay Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow oo dilay marxuum la oray jiray Maxamed Qaasim Barow ay Maxkamaddu ku xakuntay in uu bixiyo diyadii marxuum Maxamed Qaasim Barrow iyo xabsi ciidan. Hase yeeshee racfaan laga qaatay dacwadaas ayaa 12/07/2015 ayaa 19/09/2015 ay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka ku xakuntay dil toogasho ah oo 3dii Janaayo 2016 xukunka dilka ah lagu fuliyey Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow. Maxkamada ayaa dhinaca kale digniin u dirtay kuwa dadka dilaya in cadaaladda la horkeeni doono.

Booliska oo fashiliyey weerar Al-Shabaab ay saldhiga booliska Heliwaa ku soo qaadeen

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay fashilyaan weerar Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ay 1dii Janaayo 2016 kusoo qaaday saldhigga Booliska Degmada Heliwaaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo Ciidamadu halkaasi ay kula wareegeen hub isla markaana ku dileen 3-dhagarqabe oo ka tirsanaa kuwii weeraka soo qaaday. Taliyaha Booliska Qebta Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Bare “Cali Gaab” ayaa sheegay in Kooxaha Nabaddiidka ah ay saldhiga ka soo weerareen dhowr jiho, balse Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in shacabka Degmada ay ka badbaadiyaan dhagarta Argagaxisadu ay la damacsanaayeen. Sidookale Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa u mahadceliyay shacabka Degmada Heliwaa oo uu sheegay in ciidanka ay u soo gudbiyeen xogta ku aadan weerarka Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen saldhigga, waxaana uu ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidanka amniga.

Howlgal ciidan oo laga sameeyey degmada Afgooye

Howlgalkan ay ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya ka samaayeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose 7dii Janaayo 2016 ayaa waxaa ay ku soo qab qabteen hub iyo walxaha qarxa oo la tuhusanyahay in ay isticmaalayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiisha hey’adda nabad sugida ee saldhiga ku leh Afgooye ayaa sheegay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka hey’adda nabad sugida iyo booliiska Soomaaliya, isla markaana laga gaaray u jeedkii laga lahaa howlgalka.

Dowladda oo daah furtay Isbitaalka Guud ee Balanballe

Munaasabad lagu daah furayay Isbitaalka Guud ee degmada Balanballe oo Wasaarada Cafimaadfka ay ku kordhisay dhismihiisa qaybo muhiin ah, iyadoo kaashanaysa hay’adaha UNDP, UNICEF iyo IMC ayaa 4tii Janaayo 2016 waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin kale duwan. Gudoomiye Ku-xigeenka degmada Balanballe Cabdirisaaq Axmed Xalane oo xariga ka jaray isbitaalka qaybaha lagu kordhiyay ayaa waxaa uu sheegay in ay farxad wayn u tahey horumarka lagu sameeyey isbitaalka oo bulshada deegaanka wax weyn u tari doona. Xuseen Farey oo ah Madaxa Caafimaadka degmada Balanbal oo ka hadlay munaasabdaan ayaa tilmaamay doorka ay ku leedahay Dawladda gaar again Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo dhagaxdhigay mashaariic laga hirgelinayo Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa 6dii Janaayo magaalada Boosaso dhagax dhigay buundo weyn taas oo hore u go’day, isla markaasna lagu dhisay Barnaamijka” Puntland Haysku tashato“ oo uu madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland hore u iclaamiyey. Dhaqaalaha ay ku kacayso buundadaasina waxaa lagu qiyaasay ku dhowaad $40,000 (Afartan kun oo doolar) waxaana iska kaashanaya Puntland iyo Shacabka deegaanadaasi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya ee loo yaqaan SOLAR SYSTEM, kaas oo ay iska kaashanayaa Dawladda Hoose ee Boosaaso iyo Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” waxaana uu ku tilmaamay mid waxweyn ka-beddelidoona dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Boosaaso, isu socodka dadweynaha xilliga habeenkii iyo adkaynta nabadgelyada Boosaaso.

Soomaaliya oo fulineysa Himilooyinka Horumarka Waara ee 2030

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 6dii Janaayo 2016 furay kulanka himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb galeen isu imaatinkaasi xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, mas;uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira, iyo marti sharaf kale. Ahmiyada shirka hanaanka himilooyinka horumarka waara ayaa waxaa lagu gorfeynayaa 17 hadaf oo u baahan in wax laga qabto sida la dagaalanka faqriga, horumarinta Waxbarashada, ka hortaga isbedelka cimilooyinka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalkeena hooyo. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Cali “Ceynte” iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa si faah faahsan kaga hadlay barnaamijkani iyo ahdaafta uu xambaarsanyahay. Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in barnaamijkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay umada Soomaaliyeed islamarkaana la tashiyo kale duwan la galin doono oo heer qaran noqon doona, waxaana furista kulankani uu ku sheegay in uu ahaa fahamka himilooyinka horumarka waara ee 2030.

Saldhiga Booliska Degmada Kaxda oo xariga laga jaray

Munaasabad Xarigga looga jarayay Saldhigga Booliska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa 5tii Janaayo 2016 lagu qabtay degmadaas, iyadoo ay ka qeyb Galeen Taliyaha Ciidanka Boliiska, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Taliyaha Boliiska Qeybta Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada, Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Taliyaha Ciidanka Boliiska Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa sheegay in ka Boliis ahaan ay la shaqeyn doonaan Taliska Saldhigga Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi ayaa shacabka Degmada Kaxda Waxa uu ka cod-saday in ay la Shaqeeyaan Taliska Saldhigga Cusub ee degmada si loo Adkeeyo Amniga.

Warshada labiska Ciidanka oo la dhagax dhigay

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa 5tii Janaayo 2016 dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxaana furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda. Warshaddan oo dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo marar badana cadowga ku fuliyo weeraro. Waxana Wasiirku uu sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka X.D.S.

Deeq Qalab Dhisme la gaarsiiyey dhismaha xarunta Wasaaradda Howlaha Guud

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 7dii Janaayo 2016 deeq qalab dhisme ah gaarsiisay xarunta Wasaaradda Howlaha Guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho. Marwo Qamar Cali Cumar ayaa deeqda ay gaarsiisay xarunta Wasaaradda howlaha guud waxa ay ka koobneyd Shamiinto, Alwaax, biraha guryaha lagu shubo, carro iyo Jaay, iyadoo wakiillo ka socday Marwada ay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaraddaasi Eng. Saalax Sheekh Cismaan. Dr. Maryan Maxamed Xuseen oo aheyd wakiilka Marwada Madaxweynaha ayaa xustay in kaalmadani qeyb ka tahay tabarucaadda lagu dhisayo xarunta Wasaaraddaasi. Eng. Saalax Sh. Cismaan Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud, dib u Dhiska iyo Guriyeeynta oo guddoomay qalabkaasi ayaa uga mahadceliyey Marwada Madaxweynaha sida ay hormuudka ugu noqotay gacan ka geysashada dib u dhiska xaruntii wasaaradda Howlaha Guud, isagoo sheegay in qalabkani uu fududeeyey dhismihii Wasaradda oo agab la’aan u fadhiyey, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee kala joogta dalka iyo dibadda iney ka qeyb qataan dib u dhiska dalkooda.

Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasi u jartay Iran

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 7dii Janaayo 2016 waxey ka hadleen oo ay dood ka yeesheen Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka, waxaana diirada lagu saaray dhaq dhaqaaqyo ka dhan xiriirka Diblomaasiyadeed ee Iran. Waxaana warbixintan lagu xusay eedeymo kala duwan oo saameynaya Amniga Qaranka, Khataro Dhaqaale, mid Bulsho iyo mid Diineedba leh. Eedaha loo jeediyay Dowladda Iiraan ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii foosha xumaa ee loo geysatay Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee magaalada Tehran. Gabagabadii, Golaha Wasiirada ayaa waxay go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliyeed ay xiriirka Diblomaasiyadeed u jarto Dowladda Iiraan, maadaama ay ku xadgudbeen Xeerka caalamiga ahaa ee Vienna (Vienna Convention).

Arday ka qalinjabisey Jaamicadda Hormuud

Munaasabad qalan jabin ah ayaa 7dii Janaayo 2016 loo qabtay arday dhameysatay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Hormuud ee magadalada Muqdisho, kuwaas oo iskugu jiray kuwa dhameystay shahaadada koowaad ee jaamacada (Bachelor degree) iyo kuwa dhameystay waxbarashada sare ee Master-ka. Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday Wasaarada Waxbarashada, Wasaarada Haweenka, guddoomiyeyaal degmo, maamulka jaamacada Hormuud, maamulka jaamacada Lincolnee Malaysia, arday iyo marti sharaf kale. Jamacaada Lincoln ee fadhigeedu yahay dalka Malaysia ayaa jaamacadda Hormuud ka gacan ka siisay fududeynta waxbarashada sare ee Master degree. Gudoomiyaha jaamacada Lincoln Dr Bube oo xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxda iyo ardayda jaamacadaasi ka aflaxay, isagoo sidoo kale tilmaamay jaamacada Lincoln ay sii wadi doonto iskaashiga ka dhaxeeya labada jaamacadood. Gudoomiyaha jaamacada Hormuud Aadan Shidane Guuleed ayaa isna bogaadiya ardayda qalin jabisay.

WQABAD4 WQABAD5 WQABAD6 WQABAD8 WQABAD6 WQABAD2 WQABAD1 WQABAD

WQABAD3

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor