Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 26 December 2015

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin: Al-Shabaab oo laga saaray tuulooyin ku dhow kismaayo, Dowladda oo dhalinyarada shaqo abuur u sameyneysa, Dowladda oo Colaadii Beledweyne soo afjartay, isla markaasna go’aano ka soo saartay Dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe, Ciidamada oo la wareegay tuulooyin ka tirsan Awdhiigle, Shirweyne Heer Qaran ee Dhaliyarada oo Muqdisho lagu qabtay, Xafiiska ka-hortagga Xadgudubyada dumarka oo laga furay Xarunta Booliska Soomaaliyeed, Dhismo cusub ee ciidanka Taraafikada oo xariga laga jaray, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Idaacadaha oo la diiwaangelinayo, Wadatshi Heer Qaran ah oo looga arinsaday Isgaarsiinta Dalka iyo Xeerka Isgaarsiinta, Isbitaalka Gaalkacyo oo daawooyin iyo qalab caafimaad la gaarsiiyey, Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo tababar ciidanka booliska ugu soo xirey degmada Buur-Hakaba iyo Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Xanaanada Xoolaha, xubin ka mid noqoshada Hay’adda Islaamiga Horumarinta Dhaqaalaha (ICD) iyo Heshiiska Tayo-Dhowrka badeecadaha dalka.

Al-Shabaab oo laga saaray tuulooyin ku dhow kismaayo

Howlgal ay 23kii December 2015 qaadeen Ciidamada ku sugan Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa lagula wareegay deegaanno ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo. Shan ka mid ah tuulooyinkaas ayey ciidamada kala wareegeen kooxda Alshabaab, iyagoo soo bad-baadiyay Gaadiid badan oo ay siyaabo kala duwan u heysteen Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Tuulooyinka uu dagaalku kadhacay ayaa kala ahaa Beerxaani, Qudus iyo Cabdi Dhoorre oo kooxda Alshabaab laga saaray. Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyay Howlgalladaan kooxda Al-Shabaab looga saarayo Deegaannadooda.

Dowladda oo dhalinyarada shaqo abuur u sameyneysa

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in dalalka Sacuudiga iyo Qatar dhowaan loo diri doono dhaliyaro shaqooyin kala duwan halkaas ka soo qabta. Wasaaradda ayaa wadda Qorshayaal shaqo lagu siinayo shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Madaxa banaan. Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in bisha koowaad ee sanadka cusub ee 2016’ka uu billaaban doono fursado shaqo oo la siin doono Shaqaalaha Soomaaliyeed. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan shaqaale Soomaliyeed oo Dhawaan shaqo u tagidoona dalalka Sacuudiga iyo Qadar si ay uga faa’iidaystaan shaqooyinka ay qaban karaan ee yaalla dalalkaas.

Dowladda oo Colaadii Beledweyne soo afjartay, isla markaasna go’aano ka soo saartay Dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo seddex maalmood ku sugnaa Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaatay odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyaasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah. La-tashiyadaan madaxweynaha uu ka waday Beledweyn ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro colaadihii beelaha iyo sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobol iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye. Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo iyo Shabelaha Dhexe ayaa Madaxweynaha dikreeto uu ka soo saaray ku caddeeyey in caasimada Dowlad Goboleedka ay noqoneyso BuleBurte ee gobolka Hiiraan, halka shirarka maamul u sameynta ay ka dhaci doonaan todobaadka soo socdana ka furmi doonaan Jowhar.

Ciidamada oo la wareegay tuulooyin ka tirsan Awdhiigle

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kula wareegay Tuulooyin Hoostaga degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa lagu dilay 5 ka mid ah Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab, iyadoo ciidamadu ay ku fideen tuulooyin hoostaga degmada Owdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose. Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka mid yahay kuwo ay ugu tala galeen in Al-Shabaab looga saaro deegaannada iyo tuulooyinka ay Gobolka uga Suganyihiin.

Shirweyne Heer Qaran ee Dhaliyarada oo Muqdisho lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19kii December 2015 magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo laba maalmood ah socday. Madaxweynaha oo mid mid u gacanqaaday dhammaan dhalinyaradii ka soo qeybgashey shirkan oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka iyo dibedda, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay dhalinyarada kula dardaarmey inay xoogga saaraan kordhinta aqoonta, waddaninimada iyo midnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in horumarka uu maalin walba ku tallaabsanayo waddanka ay dhalinyarada hormuud u yihiin, dowladduna ay ka shaqeyneyso sidii door weyn looga siin lahaa arrimaha kala duwan ee dalka sida amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada. Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo qeexaya istaraatiijiyada qaran ee horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xafiiska ka-hortagga Xadgudubyada dumarka oo laga furay Xarunta Booliska Soomaaliyeed

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 18kii December 2015 xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ka hirgeliyay waax cusub oo shaqadeedu tahay ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta, iyadoo munaasabaddii u xariga kaga jarayay ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha iyo qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka booliska. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in waaxda cusub ay qaban doonto kiisaska la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta, si looga hortago falalka nuucaasi oo kale ah. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso waaxda cusub ee taliska booliska laga hirgeliyay, ayna diyaar u tahay in ay la shaqeeyaan.

Dhismo cusub ee ciidanka Taraafikada oo xariga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 18kii December 2015 xariga ka jaray dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay taliska ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko. Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Gaashaanle Sare Cali Maxamed Cali oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin dhismaha cusub ee laga hirgeliyay taliska taraafikada, kaasi oo uu ku sheegay inay ku howlgeli doonaan. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhismaha cusub lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso oo uu kal hore ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa xusay in Wasaaraddu ay taliska ciidanka booliska ku bogaadineyso mashaariicda kala duwan ee ay hirgeliyeen.

Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Idaacadaha oo la diiwaangelinayo

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa 13kii December 2015 waxey qabteen shir wada jir ah oo lagu casuumey dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta noocyadooda kala duwan. Shirkan waxaa kasoo qaybgalay Wasiirada labada Wasaaradood, Agaasimayaasha Guud iyo Guddiga Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Baarlamaanka DFS. Ujeedada shirka lga lahaa ayaa ahayd in shirkaduhu ogaadaan iskuna diyaariyaan is diwaangalin iyo qaadashada sharciyada ku haboon adeegga ay bixiyaan. Sidoo kale waxaa lagala hadlay shirkadaha Xeerka Isgaarsiinta iyo midka Saxaafadda ee horyaalla Baarlamaanka.

Wadatshi Heer Qaran ah oo looga arinsaday Isgaarsiinta Dalka iyo Xeerka Isgaarsiinta

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ayaa 17kii December 2015 waxey qabatay shirkii ugu horeeyey oo uu shir-guddominayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Guled Hussein Qasim oo lagu casuumay wasiirada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dawlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur-Galbeed iyo wakiilo kasocdey gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Gobolka Banaadir. Shirkan waxaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada waxaana la isla qaatay in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ay hagto qorshaha dalka. Sidoo kale waxaa wasiirada iyo wakiilada laga tala galiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka iney taladooda ku biiriyaan. Waxaa la isku raacay in ugu dambeyn 28/12/2015 ay wasaaradaha dawlad goboleedyada iyo wakiiladu kusoo biiriyaan xeerka taladooda una soo gudbiyaan wasaaradda. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in muhiimadu ahayd sidii wada shaqayn u dhax mari lahayd Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada, iyo in ay doorkooda ka qaataan sharciga ay wasaaraddu diyaarinayso.

Isbitaalka Gaalkacyo oo daawooyin iyo qalab caafimaad la gaarsiiyey

Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa ku wareejisay maamulka Isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug Dawooyin iyo qalab caafimaad 24kii December 2015. Kulanka wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa madaxda sare ee Isbitaalka iyo Mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada GalMudug iyo Wasaarada Caafimaadka. Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Gaalkacyo Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Isbitaalka uu aad ugu baahnaa daawooyinka lasoo gaarsiiyay isla markaana u mahad celiyey dowlada GalMudug isagoo intaasi ku daray in qalabka loogu adeegi doono shacabka Galmudug ee Gaalkacyo. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka GalMudug Maxamed Xasan ayaa dhankiisa halkaasi ka sheegay in dowlada Galmudug markasta hormarineyso isbitaalada Galmudug, isagoo sheegay inay dowlada Federaalka Soomaaliya soo gaarsiisay Wasaaradiisa Daawooyinka isla markaana dhankooda ku wareejiyeen goobaha Caafimaadka.

Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo tababar ciidanka booliska ugu soo xirey degmada Buur-Hakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa 24kii December 2015 gaaray degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Madaxweynaha waxaa la socday xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gudoomiyaha Gobolka Baay iyo xubno ka tirsan wasiirada maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya. U jeedada wefdiga ayaa aheyd tababar u soo xirida askar kamid noqon doonta ciidanka daraawiisha ee dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed. Askarta tababarka loo soo xirey ayaa waxaa ay gaarayeen 400 oo askari kuwaas oo muddo ku siman 4 bilood tababar ugu socday degmada Buur-hakaba. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidanka tababarka loo soo xirey dhowaan la soo gaarsiin doono qalabeyn, isla markaana xuquuqdooda la siin doona, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay isku furaan dhamaan wadooyinka ay gooyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Xanaanada Xoolaha, xubin ka mid noqoshada Hay’adda Islaamiga Horumarinta Dhaqaalaha (ICD) iyo Heshiiska Tayo-Dhowrka badeecadaha dalka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa 24kii December 2015 kulankoodii ay ay ku ansixiyeen sharciga Xanaanada Xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda Xanaanada Xoolaha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaaneynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba. Dhinaca kale golaha wasiirrada ayaa aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto hey’adda Islaamiga ah ee Horumarinta Dhaqaalaha ee loo yaqaano ICD, waxa ayna hey’adaasi hoos tagtaa Bankiga Horumarinta Islaamka. Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay heshiiska tayo dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana tayo dhowr lagu sameyn doonaa dhameen badeecadaha dibadda laga keeno.

WQKA17

WQKA5 WQKA4 WQKA3 WQKA2 WQKA16 WQKA2 WQKA1 WQKA5 WQKA6 WQKA7 WQKA7

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor