Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 19 December 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirka Madasha Wadatashiga Heer Qaran oo go’aano laga soo saaray, Heshiis dhexmaray Beelihii ku dagaalamay Beledweyn, Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga dib u habeynta Ciidanka Badda, Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Tariifada Canshuuraha Beriga, 100 Arday oo Khartoum gaaray ka dib Deeq Waxbarasho oo ay heleen, Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo dayactir lagu sameeyey, Baarlamaanka oo anxisiyey Sharciga Iibka Qaranka, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo diyaarinaya Manhaj mideysan, 3 xarumood oo Xabsiga Dhexe xariga looga jaray iyo Horseed oo ku guuleysatay koobka Jeneral Daud (Cawo iyo maalin Horseed).

Shirka Madasha Wadatashiga Heer Qaran oo go’aano laga soo saaray

Shirka looga tashanayo qaabka ay noqon doonto Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 ayaa Muqdisho lagu soo gabogabeeyey 16kii December 2015 iyadoo laga soo saaray qodobadan:
1. Inaysan jirin wax muddo kororsi ah marka uu dhammaado xilliga muddada dastuuriga ee hay’adaha dowladda.
2. Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waa inay qayb ka ahaadaan hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.
3. Doorashada labada Aqal waa inay ku saleysnaadaan isku dheelitir qabiil iyo degaan.
4. In ergooyin doorasho ay ka qeyb qaataan doorashada xildhibaannada Baarlamanka, taas oo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada. Ergooyinka waa inay metelaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada.
5. Inay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah labada aqal, kuwaas oo loo qoondeeyay haweenka. Waa in la xoojiyaa xuquuqda dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.
6. In la isku raaco qorshe hawl-fulin siyaasadeed cad oo qeexaya meel marinta hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo mid kale oo caddeynaya sidii dalka doorasho qof iyo cod looga hirgelin lahaa sannadka 2020-ka. Qorsheyaashan waa inay qeyb ka noqdaan heshiiska kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.
7. Kadib wadatashi ay hoggaamiyeyaashu ugu noqdaan degaannadooda, waa in faahfaahinta kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo qorshe fulineed la isku raacaa, kulanka lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10-ka bisha Janaayo sannadka 2016-ka.

Heshiis dhexmaray Beelihii ku dagaalamay Beledweyn

Wasiiro, xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha GalMudug ayaa gaaray Beledweyn si loo joojiyo dagaal halkaas ka socday. Wafdiga Dowladda ayaa ciidan kala dhaxdhigay isla markaasna bilaabay wadahadal iyo dib u heshiisiin la dhexdhigayo dadkii dagaalamay. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aan loo baahneyn dagaal Soomaalida dhex mara loona baahan yahay in wax walba oo khilaaf ah oo jira lagu dhameeyo si nabad iyo dib u heshiisiin ah. Dhanka kale 16kii December 2016 ayaa kulan ay wada yeesheen Beelihii ku dagaallamay Gobolka Hiiraan iyo Hogaanka Dhaqanka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada muqdisho, iyagoo wada gaaray Heshiis xabad joojin ah. Ugaas C/raxman Ugaas C/llahi Ugaas Maxamed ayaa Aad u soo dhaweeyay Shirka Muhiimka ah oo ay isugu yimadeen BeelahaWalaalaha oo dirirta ku dhexmartay Magaalada Baladweyene. Ugaaska Beesha Gaaljecel ayaa ku dhawaaqay in la qaatay Hishiis Xabad Joojin ah iyo Nabad, kuna baaqay in dagaalka la joojiyo. Islow Cismaan Shiikh Xasan Wakiilka Wabarka Beesha Jajeelle oo shirka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay Hishiiska Xabad Joojinta iyo Nabadda ay isla qaateen BeelahaWalaalaha ee ku Dagaallamay Baladweyne. Ugaas C/naasir Ugaas Nuur Cismaan oo ka mid ah Hogaanka dhaqanka ayaa bogaadiyey Hishiiska Xabad Joojinta ay wada Gaareen BeelahaWalaalaha. Shirkaan oo ay soo abaabuleen Hogaanka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu si isdabajoog ah uga Socday Magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyntii la is horkeenay Labadii Beelood ee ku dagaallamay Baladweyne, waxayna direen Baaq-Wadajira oo ku saabsan Hishiis Xabad Joojinta iyo Qaadashada Nabadda.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga dib u habeynta Ciidanka Badda

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa 17kii December 2015 ansixiyay sharciga dib u habeeynta iyo dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena. Sharcigan ayaa waxaa soo diyaarisey Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, oo uu Wasiirka Gaashandhiga Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini soo hordhigay golaha. Dood iyo wax isweydaarsi ka dib ayaa golaha Wasiirada waxey ansixiyeen sharciga dib u habeynta ciidanka Badda Soomaaliya.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Tariifada Canshuuraha Beriga

Golaha Wasiirada ayaa 17kii December 2015 ansixiyey Sharciga Tariifada Canshuuraha Beriga. Wasaarada Maaliyada ayaa soo diyaarisay sharciga tariifada oo ujeedadiisu tahay in nidaamka canshuur ururinta uu noqdo mid leh sharciyad isla markaasna siin kara kalsooni shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada. Wasaarada Maaliyada ayaa in muddo ah waday diyaarinta tariifada oo muhiim u ah in nidaamka canshuur ururinta uu si siman uga wada hirgalo dalka oo dhan iyadoo canshuuraha la ururinayo ay isku wada mid yihiin iyadoo la raacayo tariifada ay Dowladda Federaalka dejisey. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey sharciga Tariifada Canshuuraha Beriga, oo la filayo marka la hirgeliyo in dakhliga Dowladda Federaalka uu kor u kacayo.

100 Arday oo Khartoum gaaray ka dib Deeq Waxbarasho oo ay heleen

In ka badan 100 Arday oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Sudan ayaa gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan. Ardaydan oo Safaarada Soomaalida ee Sudan ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Airport-ka Khartoum. Qaar kamid ah Madaxda soo dhawaysay Ardayda oo banaanka hore ee Airporka Khartoum kula hadashay ayaa dhamaan u sheegay in lagu soo dhaweenayo Wadankoodii labaad oo aysan dariimi doonin inta ay Suudaan jooga qurbo oo ay yihiin Dadka Suudaanta ah dad aad u wanaagsan oo jecel walaalahood Soomaaliyeed. Qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho heshay ayaa aad ugu mahadnaqay boqolaalkii Arday iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda ee sida diiran usoo dhaweeyay dareesiiyayna in walaalo ku leeyihiin gudaha Dalka Suudaan.

Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo dayactir lagu sameeyey

Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa 13kii December 2015 soo gabagabeeyay dib u dayactir lagu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Jowhar, waxaana maamulku sheegay inuu dib u bilaabanayo duulimaadyadii diyaaradaha ee Gobolka. Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Cirrow ayaa sheegay in muddo ku dhow toban sano uusan shaqeyn garoonkii diyaaradaha ee Jowhar, isla markaana ay iminka ku guuleysteen in ay dib u dayactir ku sameeyeen garoonka. Afhayeenka ayaa xusay mas’uuliyiin ka socda shirkadaha duulimaadka ay tegeen garoonka diyaardaha ee magaalada Jowhar, si ay u soo qiimeeyaan in garoonka ay ku soo degi karaan diyaaradaha, waxaana uu intaa ku daray in mas’uuliyiintii shirkadaha ay ku qanceen sida dib u habeynta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Baarlamaanka oo anxisiyey Sharciga Iibka Qaranka

Xildhibaanada Barlamanka Federaalka ayaa ansixiyay Sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef-wadaagga Qaranka Kulanka Baarlamaanka ee 12kii December 2016 oo ahaa kalfadhhiga 7aad kulankiisa 19aad waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar. Kulankan ayaa waxaa soo xaadiray 147 mudane. Xildhibaanada ayaa u codeeyay sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef wadaaga Qaranka oo ay soo diyaariyeen guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka, waxaana 143 mudane ay ugu codeysay haa, saddex mudane ayaa diiday halka hal Xildhibaan uu ka aamusay sida uu shaaciyay Mudane Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo diyaarinaya Manhaj mideysan

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Muqtaar Xuseen Afrax ayaa 16kii December 2015 tababbar u soo xiray saraakiil ciidan oo tababbar uga socday Muqdisho. Tababbarka soo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa lagu baranayay sidii ay u sameyn lahaayeen manhaj ay ku mideysanyihiin ciidanka booliska haddii ay ahaan lahayd heer maamul goboleed iyo mid federaal ah, isla markaana tababarka ciidanka la siinayo uu noqdo mid isku mid ah. Saraakiisha ka kala socday gobollada dalka, ee tabababarka ugu soo gabo gaboobay Muqdisho ayaa sheegay in mudaddii uu tababarka socday ay isku raaceen in la helo manhaj ay ku mideysanyihiin ciidanka booliska, ayna soo dhaweynayaan tababbarka caasimadda loogu soo gabo gabeeyay. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xiray tababbarka ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in ciidanka booliska heer maamul gobol iyo mid federal ay yeeshaan manhaj ay ku mideysanyihiin, isla markaana suurta gelinaya in ay helaan tababbaro isku mid ah.

3 xarumood oo Xabsiga Dhexe xariga looga jaray

Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Federaalka, Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xariga ka jaray 3 xarumood oo dib u dayactir lagu sameeyey. 3da Xarumood oo isagu jira Hooy (jiif), Masjid iyo xarun lagu baro maxaabiista farsamada gacanta, ayaa waxaa maalgeliyey Mu’asasada Macallim Nur iyo Hormud Foundation. Xildhibaan Abdulkadir Macallin Nur oo ah Guddoomiyaha Mu’asasada Macallin Nur iyo Muse Ahmed Nur oo ah Madaxa Hormud Foundation ayaa sheegey inay hay’adahooda doonayaan inay sii wadaan dadaalkooda wax loogu qabanayo xarumaha Xabsiga Dhexe. Taliyaha Ciidanka Booliska, Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa u wada mahadceliyey hay’adaha suurtogeliyey in xarumahan dib loo dayactiro. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba ku dadaaleysay sidii Xabsiga Dhexe uu u noqon lahaa goob lagu dhaqanceliyo maxaabiista si marka xabsiga ay uga soo baxaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin dalkooda wax u tara oo ka qeybqaata dib u dhiska dalka.

Horseed oo ku guuleysatay koobka Jeneral Daud

Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay muddo 33-sano kadib ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud, kadib markii ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Final-ka ay 2-1 uga badisay Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska. Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Banaadir Stadium ayaa aheyd markii u horeysay oo si toos ah looga daawado TV, gaar ahaan Telefishinka Qaranka. Kooxda Heegan ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay gool, iyadoo kooxda Horseed karaka gaduudka laga siiyay mid ka mid ah ciyaaryahanada ajnabiga ee u ciyaara, markii uu qalad galay. Laakiin Kooxda Horseed oo aan gelin wax niyad jab ah, waxaana qeybta labaad ay la soo baxeen dar dar xoogan, waxaana iyagoo 10-ciyaaryahan ku ciyaarayay ay heleen goolkii bar baraha ahaa. Horseed ayaa dhalisay goolkii labaad, waxaana aheyd mid aad u cajiib ahaa, iyadoo dad badan ay aaminsanaayeen in maadaama Horseed 10-ciyaaryahan ku ciyaareysay, goolna loogaga hormaray in laga badin doono, hase ahaatee taas ma dhicin. Garoonka ayaa sawaxan weyn isla qabsaday iyadoo lagu dhawaaqayey Cawo iyo Maalin Horseed. Kooxda Horseed ayaa koobkii Jeneraal Daa’uud la hoyatay, iyadoo ugu dambeysay 1982, waxaana xilli ciyaareedkan kooxda aad ayaa looga cabsi qabaa, maadaama ay xidigo ajnabi soo iibsatay.

 
WQABAD5 WQABAD4 WQABAD9 WQABAD3 WQABAD15 WQABAD14 WQABAD13 WQABAD12 WQABAD 6 WQABAD 2 WQABAD 10 WQABAD 1

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected] 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor