9 bilood kadib, waxaa maanta dib loo furay Jamaacadda Garissa oo xirnayd tan iyo markii ay Alshabaab weerareen bishii April 2-dii ee sannadkii hore, laguna dilay 148 qof oo u badnaa Arday.
Fasalladda Jaamacadda Garissa ayaa waxaa maanta soo xaadiray 145 Arday oo Kharajka Jaamacadda laga bixiyey, iyadoo 9 ka mid ah Ardaydaasi ay ka yimaadeen Goballaddda ka baxsan W/bari Kenya.
Guddoomiyaha Hay’adda Maraykanka ee lagu magacaabo “Open Doors”, David Curry ayaa sheegay inuu war weyn yahay in Jaamacadda Gariisa dib uga bilaabantay Waxbarashadda.
Dhinaca kale, Furitaanka Jaamacadda Garissa ayaa ku soo beegantay iyadoo Maxkamad la soo tagaay 5 nin oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen Weerarkii Alshabaab ku soo qaadeen Jamaacadda Garissa sannadkii hore.
©Radio Dalsan