“Waxaan ahaa Madaxweyne muddo 4 daqiiqo oo keliya”

Arday lagu magacaabo Emmanuel Makomere oo dhigtay Dugsiga Chavakali Boy Hogh School ee dalka Kenya ayaa nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dad lagu casuumay Aqalka Dowladda ee uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta Xafiiska u ah.

Ardayga oo 19-jir ah ayaa uu ka mid ahaa arday uu Madaxweyne Uhuru u ballan qaaday waxa ballan qaad  bishii February ee la soo dhaafay inuu ku casuumi doono Aqalka Cad.

Emmanuel Makomere waxa uu u sheegay Ardayda saaxiibadiisa inuu ku farxay markii uu tegay Aqalka Dowladda, isla markaana uu Madaxweynuhu ku casuumay inuu fariisto Kursigiisa.

“Waxaan Madaxweyne ahaa muddo 4 daqiiqo oo keliya” ayuu yiri Ardaygaasi oo saaxiibadiisa uga sheekeeyey qaabkii ay u dhacday casuumaadii loo fidiyey.

Waxa uu sheegay inuusan marnaba ku fekerin inuu cagta saarin Aqalka Dowladda, loona oggolaan doono inuu Kursiga Madaxweynaha ku fariisto amaba uu Madaxweynuhu taabto garabaatigiisa (tie).

“Waxaan taagnaa gadaal, markii uu mid ka mid ah ilaaladda Madaxweynaha uu gacanta iga qabtay, iina oggolaaday inaan Madaxweynaha u tago” ayuu yiri Emmanuel Makomere oo intaasi ku daray “Inuu is-taagay ayuu ii xiray Garabaatiga, kadibna iga codsaday inaan ku fariisto Kursigiisa”.

Waxa uu intaasi ku daray: “Hal daqiiqo, waxaan u maleegaa inaan riyoonayo” ayuu sii raaciyey Emmanuel Makomere.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu u sheegay Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu yiri:- “Waxaad nagu casuuntay gurigaaga, hadda, waxaan kuugu casuumaa Dugsiga Chavakali Boys School. Ma inoo imaan doontaa”.

Emmanuel Makomere waxa uu diiday inuu dadka salaamo muddo 48 saacadood, kadib, markii uu ka soo laabtay qaabilaadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Casiimaada Emmanuel Makomere iyo Fannaaniin kale lagu casuumay Aqalka Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa la sheegay in qado ahaan u cuneen soor (Ugaali iyo Digaag).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor