Wax ka ogoow Safarka uu Gaalkacyo ku tagayo Madaxweynaha Galmudug

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu markii ugu horeysay isagoo Madaxweyne ah uu gaaro Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug ee dhawaan Cadaado lagu doortay Axmed Geelle Ducaale(Xaaf).

Madaxweyne Xaaf,ayaa safar dhinaca lugta ah uga ambabixi doono Magaalada Cadaado islamarkaana uu ku tagayo Magaalada Gaalkacyo,waxaa aad loo adkeeyay amaanka Wadada u dhaxeyso Gaalkacyo iyo Cadaado uu oo safar dhulka ah ku sii mari doono.

Markii uu tago Gaalkacyo ayaa waxa uu la kulmi doonaa waxgaradka Magaalada Gaalkacyo isagoo kala hadli doona xoojinta dhanka amniga iyo waliba sidoo kale sidii dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay sinabad ah ugu noolaan la haayeen.

Madaxweyne Xaaf,ayaa munaasabadii Caleemo-Saarkiisa waxa uu ka sheegay in uu bilaabi doono kulamo dib u heshiisiin ah waxa uuna heshiis Cadaado kula saxiixday Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,oo Ciidamadisa iyo kuwa Galmudug ay dhowr mar wada dagaalameen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media