Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Alioo soo gaba-gabeeyay booqashadiisa shaqo ee uu ku joogay dalka Talyaaniga , ayaa kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga H.E. Lapo Pistelli , oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Rome, kuna dhammaaday jawi guul oo isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ah dalka Talyaaniga H.E. Amb , Maj.Gen. Muuse Hassan Abdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda .

Wasiiru dowlaha , oo booqday dhammaan dhismayaasha iyo hantida qaranka uu ku leeyahay dalka Talyaaniga oo u baahan dayactir iyo dib u dhis oo ay ku jirto dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Rome , ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , ayna muujiyaan isku-duubni , una gutaan waajibaadka saaran si qaranimo ah oo hufan.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor