Wasiirkii hore ee Tacliinta ee dalka Indonesia oo hoggaaminayo Doorashadda Duqa Caasimadda.

Wasiirka oo lagu magacaabo Aanis Basweden ayaa la sheegay inuu  Cod-bixintaasi ka helay 57%, iyadoo Murashaxa kale ee la tartamayo oo lagu magacaabo Basuki Tjahaja Purnama,uu helay 43%.

Murashaxa la tartamayo ayaa ah Kirishtaan, kaasi oo Xilka Guddoomiyaha magaalla-madaxda dalkaasi ee Jakarta hayey tan iyo bishii November 14-dii ee sannadkii 2014-kii, wuxuuna taageero ka haystaa Xisbiga uu hoggaamiyo  Madaxweynaha dalkaasi, Joko Widodo.

Guddiga Doorashadda Qaranka ayaa la filayaa inay Natiijadda Rasmiga ku dhawaaqaan bilowga bisha soo socota ee May.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media