Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo ku geeriyooday qarax ka dhacay KM 4.

Abaarihii 01:00 duhurnimo ee maanta, Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ku qarxay agagaarka Isgoyska KM 4 ee magaalladda Muqdisho.

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa gaarigaasi oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Isbitaalka Xannaano oo Kaabiga ku haya Shineemo Ex-Ekwatoore.

Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim waxa uu ahaa  Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumaddii KMG ee uu Ra’isul-wasaaraha ka ahaa Nuur Cadde.

Marxuumka geeriyooday ayaa la sheegay in miino loogu soo rakibay gaarigiisa Khaaska, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay Nin kale oo la saarnaa Gaariga.

Ma jirto koox sheegatay qaraxaasi uu ku geeriyooday Marxuumkaasi oo mar Wasiir soo noqday, marna ka mid ahaa Xildhibaanaddii Barlamaanka Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor