Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in dib loo eegi doono Sharciga Saxaafadda Qaranka.

Wasiir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” yaa hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta Xafiiskiisa kula kulmay Mas’uuliyiinta Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee ka hawlgala Muqdisho.

Kulankaasi ayaa looga hadlay Xeerka Saxaafadda Somalia, kaasi oo Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay Dekeratadiisa bishii January ee sannadkii hore ee 2016-ka.

Wasiir Eng. Yariisow waxa uu ku nuuxnuuxsaday in la bilaabi doono La-tashiyo, si uu Xeerku u noqdo mid la taaba gelin karo, si uu ula saanqado Xeerarka Caalamka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in lala tashan doono Hy’adaha, Guddiga Xuquuqul-insaanka iyo Wasaardda Xuquuqda Insaanka si looeego inuu Xeerku ka trjumayo Xuquuqda Aadanaha ee Dalka iyo Caalamka.

Dhinaca kale, Suxufiyiinta Somalia ayaa horey walaac uga muujiyey xeerkaasi, gaar ahaan dhinaca Feef-reebka iyo Heerka Aqooneed ee Suxufiyiinta.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media