Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Danjiraha Imaaraadka Carabta (Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kulan Waxaa uu maanta La qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa waxaa uu safiirka ka dalbaday in dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ay ka qeyb qaadato sidii loo hormarin lahaa Warbaahinta Dalka Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Maxamed Al-Othman ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay garab tagaan tahay Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir aad u fiican la leh dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyadoona Dowladda Imaaraadka ay dhawaan dalkeeda u qaaday 13 qof oo ku dhaawacmay Qaraxii Hotel Central ee degmadda Xamar weyne.

u1 U2 U3

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor