Wasiirka Socdaalka ee Australia oo isku casilayo qaabkii qaldanaa ee uu kula macaamiltamay Haweeney Qaxooti Somali ah.

Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton ayaa la filayaa inuu is-casilo ama uu Ra’isul-wasaare Malkolom Trumbul xilka ka qaado bilowga sannadkan, kadib, markii uu qaab xun ula dhaqmay Haweeney Somali oo lagu kufsaday Xero Qaxootiga lagu hayo oo ku taalla Jesiiradda Nauru.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan taasi oo bilowgii bishii October ee sannadkii hore u tagtay Australia, si looga soo tuuro uurka ay ku qaatay Kufsi-wadareedkii loogu geystay Jesiiradda Nauru.

Haweeneydaasi iyadoo aan la kulmin Dhakhaatiirta ayey Dowladda Australia waxay haweeneyda Soomaalida ugu kireeyeen 115,000 oo Dollar Diyaarad Khaas ah, iyadoo dib loogu celiyey Jesiiradda Nauru.

Dhinaca kale, Wasiirka Socdaalka ee Australia, Peter Dutton waxaa loo haystaa inuu Farriin Qoraal (SMS) ku aflagaadeeyey Haweeney Saxafiyad ah oo hawlaheeda gudanaysay.

Erayadaha uu Wasiirka ku isticmaalay Farriintaasi ayaa ahayd mid aysan ku habboonayn inuu qof mas’uul ah isticmaalo.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor