Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey go’aankii Barlamaanka ee xubinimada Hay’adda Iskaashiga Islaamka iyo Dhiiri Galinta Ganacsiga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa soo dhaweeyey ansixintii Goluha Barlamaanku ay ansixiyeen hindisihii ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada ee ku aadanaa  ka xubin noqoshada  Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta (Islamic Cooperation of Development) ICD.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti ayaa u mahadceliyey Xubnaha Golaha Barlamaanka, sida wada shaqayntu ku dheehan tahay ee ay u ansixiyeen xubin ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta.

“Hay’ada Iskaashiga Islaamka iyo dhiiri galinta Ganacsiga waxay u sahlaysaa Soomaaliya iney fursado u helaan illo dhaqaale oo dibadda uga yimaada taas oo kor u qaadaysaa wax soo saarka, waxayna siinaynsaa taageero shirkadaha ku howlan ganacsiga yar yar iyo kan dhexe, waxaa kale oo ay dhiiri galinaysaa hal buurka ganacsiga, iyo tarntan sare u qaadi kara ganacsiga gaarka loo leeyahay. Ansixinta heshiiska ICD wuxuu  awood u siin doona Soomaaliya inaan kor u qaado ganacsiga gaarka loo leeyahay si uu uga  qeyb qaadaato shaqo abuurka gaar ahaan  dhalinyarada shaqada doonka ah” ayuu yiri Wasiir Ferkeeti.

Hay’ada Iskaashiga Islaamka iyo Horumarinta Ganacsiga waxay taageertaa wadamada xubnaha ka ah iyadoo ka caawisa in ay awood ahaan iyo siyaasad ahaana horumariyaan dhiiri galinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, sidoo kale ICD ay kor u qaada asaaska, balaarinta iyo casriyeeynta ganacsiga gaarka loo leeyahya iyadoo u maraysa la talin dadka ku howlan, iyo wadamada xubnaha ka ah, waxaa kale oo ICD balaarisaa kaalmada la siinayo shirkadaha taas oo u sahli karta iney kor u qaadaan ganacsigooda dhanka khibrada iyo xirfadaba, iyo si ay u helaan xiriiro caalami ah.

 

—DHAMAAD—

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor