“Wasiirka Gaashaandhigga XFS” Gaadiidkan Waa Mid Ugaar Ah Howlgalka Ka Dhanka Ah Al Shabaab

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Wasaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Galinkii Dambe Ee Maanta guddoomay 6 gaari oo  ah nooca aan Xabadda Karin, Gaadiidkaasi 6da ah ayaa kaalin mug weyn ka qaadan doona Howlgalada ay hor boodeyso Wasaaradda Gaashaandhigga  ee Al Shabaab looga sifeenayo deegaanada fara ku tiriska ah ee ay kaga dhuumaalysaanayaan koofurta iyo bartamaha soomaliya.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Gaadiidkan ugu deeqday Wasaaradda wasaaradda Gaashaandhigga XFS, munaasabad kooban oo Wasiirku kula wareegayo Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga,waxaana goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka.

Masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu deeqday loogu talagay in lagu xoojiyo Wasaaradda gaashaandhigga XFS, si ay ugu adeegsato howlaha muhiimka ah ee Wasaaraddu ku difaaceeso dalka iyo ka sifaynta Al Shabaab Deegaanada fara ku tiriska oo ay kaga suganyihiin dalka.

Wasiir Mursal Ayaa uga mahadceliyay waaxda arimaha dibadda ee Dowladda Mareykanka sida ay uga gacnsiinayso ciidanka Xoogga Dalka dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyada Al-shabaab.

Halkan Ka Daawo Sawirada Gaadiidka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media