Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Saraakiil ka socota Gaashaandhigga Britain.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federalka, Jeneral C/qaadir Sheekh Cali Diini waxa uu  Xafiiskiisa ku qaabilay Jeneral John Lorimer iyo Saraakiil ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga ee Booqrtooyadda Britain.

Wasiirka iyo Saraakiisha waxay ka wada hadleen Xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Labada dal iyo Kaalinta ay Dowladda Britain ka qaadanayso Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Diini ayaa ka mahadceliyey Taageeradda Dowladda Britain, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey Xaalladda Ammaanka iyo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna tilmaamay inay Ciiddanka Qaran hormuud ka yihiin Hawlgalka lagula jiro Alshbaab.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntey, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiir Diini.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhiga la yeeshay Saraakiisha ka socotay dalka Britain waxaa  ku wehliyey Mas’uuliyiin ka tirsan Hoggaanadda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Danjiraha Britain u joogta Somalia iyo Dipolomaasiyiin kale.

Wasiir Diini 1 Wasiir Diini 2

wasiir Diini 3

©Radio Dalsan       

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor