Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Somalia

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Xasan Cali Maxamed “Amar Dambe iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga xilka loo magacaabay,iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay dardargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka,wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka in ay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Tan iyo sanadkii 2010 ayaa midowga Yurub waxaa ay dardargelinayeen taageerada ay siinayaan ciidanka Xooga Dalka,dhinacyada tababarada ciidanka,si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee horyaala.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media