Wasiirka Gaashaandhigga oo beeniyey inay Ciiddanka Qaranka qeyb ka yihiin Dagaalka Gaalkacayo.

Maamul-gobaleedka Puntland ayaa waxay ku eedeysay inay Ciiddanka Dowladda Federalka ku lug leeyihiin dirirta ka socota magaalladda Gaalkacayo.

Wasiirka Difaaca ee Somalia, Jeneral C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa si kulul u beeniyey arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay Kooxaha ku dagaalamayo Gaalkacayo inay joojiyaan Xabbadda, lana bilaabo Wada-hadal Nabadeed.

Waxa uu tilmaamay inay jirin wax caddaymo oo muujinaya Eedeymaha loo soo jeediyey Ciiddanka Qaranka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in baaritaanno lagu samaynayo ciddii magaca Ciiddanka Qaranka kaga qeyb galay Dagaalka Gaalkacayo.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaalkacayo, oo uu ku tilmaamay inuu yahay fal laga tiiraanyoodo inay dad Soomaali ah ku geeriyoodaan ama ku dhaawacmaan dagaalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, magaalladda Gaalkacayo ayaa maanta deggan, kadib, markii ay shalay ka dhaceen dagaallo sababay dhimasho, dhaawacayo iyo bililiqo.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor