Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay Xubno ka Socda Midowga yurub (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Midowga Yurub kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka tababarka Ciidamada iyo qalabayn-tooda, waxana ay ka wada hadleen dadaallada Dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, xoojinta iskaashiga labada dhinac, tababarka iyo qalabeynta ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa  uga mahad celiyay taageerada ay mar waliba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

“Kulankani wuxuu  ka tarjumayaa ahmiyadda ay leedahay in la horumariyo dhismaha Ciidanka qalabka sida,  Midowga Yurub waa mid kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee xili adag isu taagay in ay gacan qabtaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Isku-dhafka ciidamada waa mid ka mid ah waxyaalaha mudnaanta sare noo leh, waxanuna natiijo wax-ku-ool ah ka keenaynaa laba iyo tobanka bilood ee soo socda. Waxaad sidoo kale arkaysaan aragtida dhexe iyo tan fog ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaa muhiim ah in aynaan isha ka qabsan taageerada ballaaran ee loo baahan yahay,  Dowladda Soomaaliya mar walba waxay xoogga saareysaa in la helo ciidan awood leh oo hanan kara dalka oo dhan”.

Ugu danbeyn, Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub ayaa ballan qaadan in ay kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay gacan buuxda ka siin doonaan dowladda in ay helaan ciidamaddu agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

——DHAMMAAD——–

1 2 3 4 5

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor