Wasiirka Difaaca Isra’iil oo ku dhawaaqay inuu iscasilay

Wasiirka Gaashandhiga Maamulka Yahuuda Moshe Yaalon ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkasi kadib markii uu sheegay inuu ku kalsoonan waayay Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu.

Wakaalada Wararka AP ayaa sheegeysa in Wasiirka uu soo dhigay bartiisa Facebook inuu iska casilay xilkasi Jimacaha Maanta isaga oo u sheegaya Ra’iisul wasaaraha Yahuuda inuu ka tagayo shaqadii Xukuumada iyo Baarlamaanka.

Warbixino soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in Ra’iisul wasaaraha uu qorsheynayay inuu xilkasi u magacaabo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Avigdor Lieberman.

Avigdor Lieberman ayaa saaxib dhaw la ah ra’iisul wasaaraha Yahuuda Binjamin Netanyahu.