Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Safiiradda Midowga Yurub u fadhisa Somaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Safiiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Wasiirka iyo Safiiradda ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay sidii EU ay u taageeri lahaayeen hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dawladda Soomaaliya, dhanka kalena waxa uu ka codsaday in Wasaaradda lagu garab istaago hawlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayso.

“Midowga Yurub waxa ay door wayn ka soo qaateen guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhismaha dawladnimada iyo xoojinta amniga, waanan uga mahadcelinaynaa sida ay noo garab istaageen waqtiyadii adkaa ee ina soo maray, dhinaca kale waxa aan idinka codsaneynaa in aad nagu garab istaagtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaantan dalka ka bilaabmaya” ayuu yiri Wasiirka.

Safiiradda ayaa dhinaceeda aad usoo dhaweysay isla markaana bogaadisay howlaha iyo latashiyada baaxadda leh oo ay Wasaaradda muddooyinkaan waddo, waxayna dhiirigelisay in la sii xoojiyo. Safiiradda waxey ballanqaaday in EU ay si buuxda u taageereyso dib u eegista Dastuurka.

Ugu dambeen Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiiradda sida ay uga go’antahay in ay Wasaaradda taageerto iyo guud ahaanba hay’adaha dowladda.

 Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media