Wasiirka Dastuurka oo ka horyimid is casilaada laga dalbaday Wasiirada u sharaxan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka

Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegayay in Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ka tirsan ee doonaya in ay u tartamaan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya in aysan doorasahda ka qeyb qadan Karin ilaa ay iska soo casilaan Xilka Wasiirnimo.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxaman Xoosh Jibriil ayaa sheegay in qofka doonaya in uu u tartamo xilka guddoomiyaha Gollaha Shacabka Soomaaliya uu ka qeyb geli karo tartanka isaga oo aan iska casilin xilka Wasiirnimo,waxa uuna soo qaatay qodob ka mid ah Dastuurka Dalka.

| Su’aal: Qof waziir ah ahna Xildhibaan ma inuu iska cazilaa waziirnimada intuusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka? Maya. Qodobka 59 ( c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo kabaxsan Waziirnimo uusan qaban Karin markii uu qabtana uu jagadaas tanaazul ka yahay. Haddaba qof waziir ah wuu tartamin karaa isagoon is cazilin laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka naqdo, waziirnimadii waa gubattaa !

Sikastaba hadalka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa daba socday xilli Guddiga doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ay sheegeen in uusan qof haaya xil Wasiir u tartami Karin xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.