Wasiirka Awqaafta oo la kulmay Safiirka Imaaraadka u jooga Somalia

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Sheekh Cali Baqdaadi waxa uu Kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada Waddan.

Kulankaasi oo ka dhacay Safaaradda Imaaraadka ku leedahay magaalladda Muqdisho, waxay Wasiirka iyo Danjiraha ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan iyo Mashaariicda ay Imaaraadka ka fuliyaan Somalia.

Wasiirka waxa uu ka mahad celiyey Taageeradda muhiimka ee ay Dowladda Imaaraadka u fidiyaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyadda Horumarinta iyo Adeegyadda Samafalka Aadminimo.

Danjiraha Iimaaraadka waxa uu isagana tilmaamay  inay xoojinayaan Taageeradda dhinacyadda badan ee ay u fidiyaan Dowladda Federalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor