Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka tacsideeyey geeridii Danjire C/llaahi Saciid Cismaan

Muqdisho, January 28, 2016 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan oo January 27, 2016 ku geeriyooday dalka Mareykanka .

Danjire Cabdullaahi Saciid CusmaanMarxuum danjire Abdullahi Said Osman oo muddo dheer ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda , ayaa ahaa mas’uul si xeeldheer ah u yaqaan Sharciga iyo Xiriirka caalamiga ah , isagoo ka qalin jebiyay Jaamacadda Hull , oo uu ka qaatay Shahaadada qaanuunka LLP (Hons) isagoo ku takhasusay Qaanuunka caalamiga iyo kan shirkadaha ( Public International law and Mercantile/Corporate law) .

Sanadkii 1963 ayuu helay darajada Barrister oo tilmaameysa inuu yahay sharci yaqaan Abuukaate ah .

Waxbarashadiisii Jaamacadeed ee uu ku soo qaatay England kadib , waxa uu ku soo laabtay dalka si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Howlaha iyo xilalka shaqo ee uu qabtay Marxuum Danjire Abdullahi Said Osman waxa ay kala yihiin sidatan :

1991-1995 : Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Midnimada Afrika ( OAU)
1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee New York
!976- 1984 : Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee Geneva.
!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dowladda ((Avvocato Generale dello Stato)
1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda.
!966- 1968 : Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda.
1965: Lataliyaha xagga Sharciga ee Ra’iisul wasaaraha
1964: Xaghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada 
Section of Press and Public Relations

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor