Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya iyo Safiirka Somalia uga wakiilka ah Kenya oo kulan yeesha

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed waxay xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Somalia uga wakiilka ah Kenya, Jamaal Maxamed Xasan, waxayna ka wad hadleen xiriirka labada waddan.

Amina Mohamed ayaa ku sheegtay Twitterkeeda inay soo dhaweysay Safiirka Somalia oo booqasho ugu yimid Xafiiskeeda.

Waxay kaloo barteeda Twitterka soo dhigtay sawiradda qaabilaadda Ambassador Jamaal Maxamed Xasan, waana markii ugu horreysay oo ay Labada mas’uul yeeshaan Kulan rasmi ah.

Qaabilaadooda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Somalia iyo Kenya soo kala dhex galay humaag siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay muranka Xuduud-baddeeda iyo Debiga ay Kenya ka dhisayso xuduudka ay la wadaagaan Somalia.

6666666666666666666
ggggggggggggggggggggggggg

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor