Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iraq oo booqasho ku imaan doona Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee Dowladda Federalka Somalia, Dr. Abdisalam Hadliye Omar ayaa ka qeyb galay Munaasabad dib loogu furayey Safaaradda Somalia ku lahayd caasimadda dalka Iraq ee Baqdaad.

Munaasabadda Furitaanka Safaaradda, waxaa kala qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iraq, Dr. Ibrahim Al-jacfari, Danjiraha cusub ee Somalia, Marwo Khadiija Almakhsuumi iyo Diplomaasiyiin kale.

Warbaahinta dalka Iraq ayaa sheegtay inay Labada Wasiir ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo soo-celinta Xiriirka Walaaltinimo ee Labada Waddan oo go’naa tan iyo burburkii Dowladnimo ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iraq, Dr. Ibrahim Al-jacfari  oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa ku dheeraaday Khatarta ay Kooxda Daacish ku hayaan dalkiisa, wuxuuna xusay inay Dagaalamayaasha Daacish ka soo kala jeedaan in ka badan boqol Waddan.

Wasiir Abdisalam Hadliye, oo isagana ka halay Munaasabaasi waxa uu sheegay inay Kooxaha Argagixisadda yihiin Caddowga Guud ee Caalamka, loona baahan yahay in loo midoobo La-dagaalankooda.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iraq,  Dr. Ibrahim Al-jacfari ayaa oggolaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalladda Muqdisho, inkastoo aan la shaacinin Xilliga ay dhacayso Booqashadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor