Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dalka Kuwait kaga qeybgalaya Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa gaaray Magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait, halkaasi oo uu kaga qeybgali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkaasi oo ah Wareegiisa 42,aad oo ay iskugu yimaadaan Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka , laguna wado inuu si rasmi u socdo maalmaha 27-28 bishan May , ayaa la qorsheynayaa in looga hadlo xaaladaha wadamada Soomaaliya , Palestine , Syria , Yemen , Libya, dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar , Arrimaha Siyaasadda , Dhaqaalaha, Dhaqanka , Teknoloojiyadda iyo la dagaalanka argagaxisada .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono horumarka siyaasadeed , nabad-gelyo , dhaqan , dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya , isagoo muujin doona in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi sal balaaran oo ay la yeelato wadamada kala duwan ee caalamka Islaamka .
Dr. Abdusalam H. Omer ayaa ku dhawaaqi doona in dalkiisu u baahan yahay mashaariic horumarineed , dib u dhis , maalgashi iyo xoojinta awoodaha shaqo ee hey’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Waxaa la qorsheynayaa in mudada uu ka soconayo Shirkaasi Magaalada Kuwait, in Wasiirku la kulmo Dhiggiisa Wadamada Kuwait, Saudi Arabia , Qatar , Turkey , Algeria , Xoghayaha guud Ururka Iskaashiga Islaamka , diblomaasiyiin iyo qaar ka mid ah wufuuda shirkaasi lagu cazuumay .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor