Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Booqday Dhaawacyadii Loo Qaaday Imaaraadka Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalam Hadliye Cumar ayaa Maanta ku booqday Cusbitaalka Zayid Military Hospital Ee Dalka Imaaraadka Carabta Dhaawacyadii loo qaaday Dalkasi.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Cabdulqaadir Sheikh Mohamed Al-Xaatimi ayaa kamid ahaa Masuuliyiintii Booqatay Dhaawacyada.

Dadkasi waxa ay kamid ahaayeen Dad badan oo ay Dowladda Imaaraadka ay u qaaday Adeeg Caafimaad oo dibadda ah.

Waxa ay ku dhaawacmeen Qaraxyadii lagu Weeraray Hotelka Central Ee Magaaladda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor