Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo kula kulmay diblomaasiyiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Ahmed Isse Awad ayaa  magaalada New-yorka ee dalka Mareykanka kula  kulamay u qaabilsanayaasha QM wadamada Chine,  Russia & Kuweit  oo eey ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi  ee ka dhexeeya dalka Soomaaliyada iyo wadamadooda.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad  wakiilada QM ujoogo New-yorka Sida  Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya, kulamada wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanah QM ee Soomaaliya Amb, Abukar Osman (Baale).

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam &  iskaashi.

Xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre oo fulineysa ballan-qaadyadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan xiriirka eey Soomaaliya la yeelaneyso wadamada kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media