Wasiirka arrimaha dibada Norway Børge Brende oo gaaray magaalada Muqdisho

Wafti uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibada dalka Norway Børge Brende ayaa saakay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya

wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibada Somalia Yusuf Garaad Cumar iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiinta Dowladda Federaalka ugu sareysa, iyaga oo ka wada hadlaya xiriirka labada dal iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Wararkeena danbe ayaa faahfaahinta kasoo baxda booqashada wasiirka arrimaha dibada Norway ku tegay Muqdisho kaga boggan doontaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor