Wasiirka arimaha dibada dalka Sweden oo la kulmay qaxootiga soomaalida ee Xirada Dhabab.

Wasiirka hormarinta caalamiga iyo wadashaqeynta dowlada Swedish Ms Isabella Lövin, ayaa booqatay dhawaan, xerada Dhadhaab, ee waqooyi bari dalka Kenya, halkaasoo ay ku jiraan Qaxooti badan oo soomaali ah.

Mrs, Ms Isabella Lövin ayaa la kulantay gudoomiye ku xigeenka hey’adda UNHCR, ee xirada iyo qaar kamid ah qaxootiga soomaalida eek u jira xirada, waxaana ay kawada hadleen xaalada Qaxootiga soomaalida ee xirada ku jira.

Taageerida hey’adda NRC ee dhadhaab, ee ka yimaada dowlada Swedesh, ayaa soo biloowday sanadkii 2010 taasoo xirfado iyo taageero lagu siiyo qaxootiga ku jira xirada.

“ hey’addaha nala shaqeeya ee jaarka aynu nahay ee NRC iyo SIDA waxaa ay aboodaan in dhalinyarada raga iyo dumarka, in ay siiyaan tababaro xirafo nololeed sanadkaan 2015” ayeey tiri.

Hey’adda NRC ayaa waxaa ay diyaarineysaa qaxooti soomaali ah oo doonayay in ay dalkooda hooyo ee soomaaliya ay ku noqdaan.

Dalka Kenya ayaa waxaa ay martigalisay qaxootiga ugu badan ee soomaalida ah ee ka cararay dalkooda hooyo ee soomaaliya wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladii Jeneral Maxamed Siyaad Barre.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor