Wasiirka Amniga Puntland oo ku dhaawacmay magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in israsaaseyn dhexmartay ciidmada maamulkasi iney ku dhaawacmen 7 ruux oo ay ku jiran Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo gudoomiyaha gobolka Bari.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray ilaalada Taliyaha ciidamada birmadka Puntland Cismaan Afdalow iyo ciidamada Taliyaha Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduudow.

Wasiirka ayaa cusbitaal la dhigay sida wararka ay sheegayan mana jirto faahfaahin badan oo arintan la xiriirta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor