Wasiirka Amniga oo Maanta Xilka La Wareegay

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa Maanta Xilkasi la wareegay kadib Munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Xil Wareejinta oo Maanta ka Dhacday xarunta wasaaradda ay ku shaqeyso waxa ku sugnaa Guddi uu u xil saaray Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iney la socdaan Xil Wareejinta.

Waxa goobta ku sugnaa sido kale Wasiirkii hore ee Amniga Mudane Khaliif Axmed Ereg iyo Xubno kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor