Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga oo kulmay

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo mar waliba caadeystay iney daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta  Al-Shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media