Wasiirka Ammaanka iyo Saraakiisha Amniga oo Booqday Maka Al Mukarama

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Nabadsugida Soomaaliya ayaa Maanta Booqday Hotelka Maka Al Mukarama Ee Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay iney ku biiraan Dagaalka looga soo horjeedo Xarakadda Al Shabab.

Hotelka Maka Al Mukarama waxa heystay in ka badan 16 Saacadood Dagaalamayaal ka tirsanaa Al Shabab.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay Halkasi oo uu ku jiray Danjraha Soomaaliya Ee Dalka Switzerland Yuusuf Bari Bari.